Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo Oo Shalay Shir Jaraa'id Ku Qabtay Hotel Ku Yaal Nairobi Oo La Yidhaa Sarena

 


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud( Siilaanyo ) ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay guriga nabada Kenya lagu yagleelay ahna hotelka weyn Sarena Hotel.

Waxa uu Axmed-siilaanyo shirkaa jaraa’id kaga hadlay la kulankii uu la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somaliland ama la odhan karo Geeska Afrika Mr Ahmedou Walad Abdalla .

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay waxyaabaha ay isla soo qaadeen waxaanu ka xusay inay isla soo qaadeen Arrimaha diiwaangalinta iyo doorashooyinka Somaliland, waxaanu Axmed-Siilaanyo caddeeyey inay wakiilka isla garteen sidii wada shaqeyn looga yeelan lahaa hawlahaasi doorasho ee ku soo fool leh Somaliland si ay u dhacdo doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Shirkaa jaraa’id ee uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed-siilaanyo ku qabtay Kenya ayaa ahaa mid aad loogu soo dhaweeyey xamaasad faro badanina ka muuqatay.

Waxaana ugu horreyn furay Shirka jaraa’id ku simaha Guddoomiyaha dhalinyarada Somaliland Maxamed Cabdilaahi, in kasta oo Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Kenya Mr Ahmed Yusuf Ducale uu wakhtigan booqasho ku joogo dhulkii hooyo ee Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

Haddaba, guddoomiye ku xigeenka dhalinyarada ayaa hadal kooban halkaasi ka jeediyey, waxaanu kaga warramay hawlaha ururka iyo waxyaabaha dhallinta looga baahan yahay iyo sida ay xisbiga Kulmiye gacmo furan ugu soo dhaweeyeen.

Intaasi kaddib waxaa halkaasi ka hadlay oo sacab lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo, markii uu hadalkiisa intiisa ugu muhiimsanayd oo aynu sare ku soo sheegnay halkaasi ka jeediyey ayaa waxaa lala boobay waxoogaa su’aalo ah waxaana ka mid ah su’aalaha la wadiiyey Guddoomiyaha annaga oo soo koobayna kuwan :

Su’aal: Guddoomiye Siilaanyo ma laga yaabaa in sannadkan aad ku guulaysataan doorashada ? su’aashan oo dadku aad u dhoola cadeeyeen ayaa waxa waydiiyey Wariye ka socday HORN CABLE TV.

Jawaab: (C/raxmaan C/qaadir oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ) ayaa ka jawaabay su’aashani waxaanu yidhi, Haa, guul weyn ayaanu rajaynaynaa.

Su’aal: Madaxdii Kenyaanku markay olalaha doorashada wadeen waxay jiilkoodii waxbarasho u ballan qaadeen in bilaash looga dhigi doona waxbarashada, ee idinkuna haddaad tihiin KULMIYE maxaad jiilka waxbarasho u ballan qaadaysaan ?

Jawaab: Manapoliga ayaan cidhibtiraynaa iyo waliba musuqmaasuqa ragaadiyey.

Su’aal: Haddii shirkadihii shisheeye hanan kari waayeen inay dhisaan warshaddii sibidhka, oo ganacsatada dalkuna hawshaasi awood u leeyihiin maxay dawladdu fasax u siin wayday si hawshii qaranka aanu albaabkiisu uga xidhnaan, idinkuse haddaad tihiin KULMIYE maxaad dawladda waxa ka dhiman aad ugu sheegi waydeen uguna caqli celin waydeen taageero iyo gacan buuxdana ugu siin wayden ?

Jawaab: Su’aashan oo guddoomiyaha Kulmiye Axmed-Siilaanyo si toos ah uga jawaabay ayaa waxa uu yidhi “ Haddii dawladda aan talo u soo jeedino maba dhagaysato, danta guudna isku si ayaan u waajahnaa, waanan ku taageernaa waxii fiican ee ay dawladdu qabato, imika oo aan dalkan nimidna waxii arrimo daakhiliya kamaanaan hadal.” Waxaa intaasi hadal ku sii lifaaqay oo ku ladhay Guddoomiyaha kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULKMIYE Mr C/raxmaan C/qaadir waxaanu yidhi “annaga xisbi ahaan waa lanagu diraa dalalka shisheeye, laakiin annagu ku diri mayno waa dawladdayadii, waayo waxaan wax u raadinaynaa waa shacabka Somaliland sidii ay horumar la hanan karo oo la taaban karo u gaadhaan.

Su’aal: Wariye ka tirsan STAR FM ayaa su’aal waydiiyey waxaanay su’aashu ahayd, Haddaad doorashada ku guulaysataan maxaad ka qabanaysaan Gobolka Ogaadeeniya?

Jawaab: Waxaan dawladda ka midaysannahay ilaalinta nabadgalyada iyo danta guud, laakiin waxii xad gudub xuquuqda Aadamaha ah ma ogolaan doono, waxaana nagu waajiba in aan xaq dhawrno shuruucda caalamiga ah, dalalka jaarka aanu nahayna dhib lama rabno.

Goljano