Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee xisbigaasi Md. Xasan Siciid Yuusuf,ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya

 



Addis-ababa (TNN):-Shalay waxaa ka soo dagay gagida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa gu doomiyaha xisbig a talada haya ee Kulmiye Mud. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xas an Siciid. Masuuliyiintan ka socotay Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey protocol qadarin leh.


Waftiga oo uu wehelinayo Safiirka Somaliland Amb. Adan Nuux Dhuule waxay maanta xarunta dhex e ee xisbiga EPRDF kula shireen Raysal Wasaare-ku-xigeenka ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPR DF Ethiopia Ato

Demeke Mekannon kulankan oo qaatay mudo ku dhow laba saacadood ayey masuuliyiinta labada dal kaga wada hadleen: aqoonsiga somaliland nabad galyada horumarinta dhaqaalaha wax baras hada iyo lskaashiga labada xisbi xaakim

Waftigu waxay u sharxeen raysal wasaare ku xigeenka in bulshada caalamka iyo dawladaha dariska ba ay dawlada Somaliland wali ka sugayso aqoonsigii ay xaqqa u lahayd. Waftigu waxay shar axaad Ka bixiyeen horumarka dhaqaale ee somaliland higsanayso inay waxbadan ka dhimantah ay inta aan ay toos ula macaami karin hay adaha dhaqaalaha aduunka.

Waxaa laga wada hadlay siday labada dal isaga kaashan lahaayeen nabad gelyada.Waxay labad a dhinac ka wada hadleen sidii loo dadajin lahaa heshiisyada lagu hirgalinayo Berbera-Addis Cor ridor. Waftigu waxay u bandhigeen in Berbera Port awood u leedahay inay maamusho afar milyan oo met ric ton (4000,000TM) sanadkiiba, marka laga reebo baahida Somaliland taas oo dabooli karta boqolk iiba sodon 30% baahida ethiopa ee takadeed.

Labada dhinaac waxay ka wada hadleen sii kordhinta deeqda waxbarasho ee Somaliland ka hesh o Ethiopia iyo u fududaynta xaaladaha la soo gudboonaada ardayda.In labada xisbi iska kaashad aaan xaga siyaasada waayo aragnimada iyo tababarada.

Gunaanadkii waxaa si guud la isla gartay sii xooginta iskaashiga dhinacyada badan ee laga wada hadlay iyo in labada xisbi sii adkeeyaan xidhiidhkooda.
 

 


Xasan Siciid Yusuf

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE