WAR-SAXAAFADEED
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE,
ahna murrashaxa jagada Mad axweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi
Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-xig een
Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya Ms Cat Evans iyo
wefti ay hoggaaminayso booq asho ku jooga caasimadda Jamhuuriyadda
Somaliland ee Hargeysa.
Guddoomiyaha ay weheliyeen Guddoomiyimagee-ku-xigeenka kowaad ee
xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
iyo Wacyigelinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadda ani) iyo
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar, waxay kulan saacado qaatay la yeesheen
Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska oo lagaga wadahadlayey danaha
xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland
iyo Ingiriiska, arrimaha doorashooyinka Som aliland iyo qodobo kale.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta wehelinayey waxay u faahfaahiyeen
weftiga Ingiriiska qaddiyadda S omaliland iyo xaaladaheeda waqtigan
oo ay ugu muhiimsan tahay u diyaargarowga doorashooyinka
Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee u qorshaysan dabayaaqada bisha
March 2017. Waxaanay u caddeeyeen mowqifka xisbiga KULMIYE iyo
xukuumaddiisu inuu yahay doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsooma,
iyadoo horeba ay u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn
doorashada Madaxtooyada.
Waxa kaloo madaxda xisbiga KULMIYE iyo weftigu si wayn uga
wadahadleen doorashada Golaha Wak iillada iyo caqabadaha horyaala ee
uu ugu waynyahay xeerkii lagu dooran lahaa mudanayaasha oo aa n weli
diyaar ahayn, arrintaasi oo xal-u-helideeda iyo saamaynta ay ku
yeelan karto doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsooma ay falanqayn
iyo doodo badan labada dhinac ka yeesheen, iyadoo hogg aanka KULMIYE
iyo wasiirraduba halkaa ka caddeeyey in aanay dhicista doorashada
Madaxtooyada wax saamayn ah ku yeelanayn caqabadda hortaal
doorashada Wakiillada haddaan xal degdeg ah loo helin.
Dhankeeda Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska ee Itoobiya Cat Evans oo ay
wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaraddaasi
Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta ay kala kulmeen
hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan madax iyo shacaba dalka Somaliland.
Waxa kaloo ay soo dhaweeyeen mowqifka cad ee xisbiga KULMIYE iyo
xukuumaddiisu ka taagan yihiin in doorashooyinku ku qabsoomaan
waqtigooda, balse waxay muujiyeen inay warwar ka qabaan qaby ada ka
jirta doorashada Golaha Wakiillada, iyagoo xusay in aanay habboonayn
in golahani doorasho galiwaayo isagoo hadda muddo-xileedkiisu marayo
muddo ku dhaw 12 sanno, isla markaana ay ahayd in waqti hore la
sameeyo xeerka doorashadiisa. Sidaasi darteed, waxay soo jeediyeen
in xal waara oo degdeg ah laga gaadho arrintan.
Waxa kaloo Safiir-ku-xigeenku sheegtay in aanay waxba iska beddeli
doonin taageerada dawladda I ngiriisku ku badhi-taarto nidaamka
dimuqraadiyadda Somaliland oo ay ku tilmaameen dalka labaad ee ay
kharashka ugu badan ku bixiyaan doorashooyinkiisa qaaradda Afrika,
isla markaana ay sii waday aan mucaawanada iyo wadashaqaynta kala
dhaxaysa dawladda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email:
kulmiyemanager@gmail.com
|