Guddoomiyaha
Xisbiga Kulmiye Oo Hambalyo U Diray Maayirka Cusub Ee Hargeysa Iyo
Ku Xigeenkiisa
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga waydiiyay hadal haynta
xoogan ee ku wajahan in Xisbiga Kulmiye.............
Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE
Muuse Biixi Cabdi oo ma anta ayaa hambalyo u diray Maayarada iyo Ku
xigeenada Magaalooyinka Hargaysa iyo Ceerig aabo ee sida sharciga ah
maanta loo doortay,waxaa kale oo uu Mahadnaq kan la mid ah u dir ay
Guud ahaan Golayaasha Deegaanka ee sida Sharciga ah isu doortay.
Muuse Biixi oo maanta u waramayay warbaahinta qaranka, waxa uu xusay
in tabasho kasta oo ka dhalata doorashadii golayaasha deegaanku ay
haboon tahay sidii loogu dhamayn lahaa hanaanka is qancinta iyo wada
hadalka ay Somaliland ku soo caano maashay. Waxa kale oo uu sheegay
inaan la dhaawicin doorashadii sida wanaagsan uga qabsoontay
Somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mar uu ka hadlayay Golayaasha Deegaanka
ee doortay hogaa nkoodii waxa uu sheegay inuu Gole kastaaba xaq u
leeyahay inay iska dhex doortaan cida hog aaminaysa, hasa ahaate
waxa uu xusay in loo baahan yahay inay raacaan Xeerka doorashad a
golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.
Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in meesha keliya ee uu hadal
ka taagan yahay ay ta hay degmada Saylac oo uu tilmaamay sidii is
af-garad looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhash ay doorashadaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga waydiiyay hadal haynta
xoogan ee ku wajahan in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay Codadkii
doorashadii Golayaasha Deegaanka waxa uu ku dood ay inay arrintaasi
tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo intaas ku daray in hadii cid
lagaga Shu btay ay aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye lagaga Shubtay
Codad uu lahaa.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|