Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Siweyn Loo gu Soo Dhaweeyay London, Muxuuse Daran yahay Socdaalkiisu

 


Axmed Siilanyo oo aanu wax kaweydiinay socdaalkiisa wuxuu noo sheegay in uu Safarkiisu isugu jiro mid.Waxaan Lakulmi Doona Bulsha weynta Somaliland ee Qurbajooga annigoo kala hadli doona meelo fagarayaal ah: Axmed Siilanyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Xaji Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta kasoo degey garronka calamiga ee Gatwick-airport, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Madaxda Xisbiga oo uu hogaaminayo Xoghaya arrimaha debeda ee Xisbiga Dr Maxamed Cabdillahi iyo Guddomiyaha xisbiga ee Uk Ibrahim Xuseen Dakhare Guddomiye kuxigeenka Uk Cabdi Bacaw Madaxda laamaha London oy kamid ahayeen Kayse Xidig Osmaan Saciiid Jaamac Axmed Cadare Saladiin aqoon yahano dadweyne aad utiro badan oo ku sugaayay debeda airportka

Axmed Siilanyo oo aanu wax kaweydiinay socdaalkiisa wuxuu noo sheegay in uu Safarkiisu isugu jiro mid shakhsi ah iyo miduu usocdo dawladda ingiriiska isagoo kala hadli doona sidii loosii hagaajin lahaa xidhiidhka diblu-masiyadeed ee kadhaxeeya Somaliland iyo inggiriiska, Axmed Siilanyo waxakaloo u''''sheegay in uu Shacbi weynaha Somaliland lakulmi doono dhamaantod isagoo arrinta kahadlaya wuxuu yiri annigu sida Dahiir Riyaale { Madaxweynaha} Qool isagoo ujeeda { Hotel } isku xidhi maaye waxaan lakulmi doona dhamaan Shacabka Qurbajooga ee kudhaqan cariga ingiriiska anoo kala hadli doona halka uu waddankii maraayo waad ogaydeen oo Madaxweynuhu wuxuu ilaa hada diidan yahay inuu saxeexo heshiiskii ay nosoo gudbiyeen Guddida Dhexdhexadintu markaa waanu is arki doona Shacabka Qurbajooga.

Waxaanu isna wax kaweydiinay socdaalka Guddomiya Xoghaya arrimaha debeda ee Xisbiga Dr Maxamed Cabdillahi wuxuuna sheegay in uu Guddomiyuhu lakulmidoono Madax-Sare oo Dawladda Ingiriiska kamid ah sidoo kale uu Guddomiyuhu lakulmi doono Bulsha weynta Somaliland ee ku dhaqan waddankan

Isagoo soo galay Safar dheer awgeed waxaa Guddomiyaha loo galbiyay halkuu dagilahaa, Waxaa yana xusid mudan in aan debeda kula kulanay dadweyne tiro badan oo sugayay Guddoomiyaha yagoo kasii qayb qatay guri geeyntii Guddoomiyaha. Waxaa safarkani kusoo beegmay xili ay Waddankii katagan yahiin Muran Siyaasadeed oo kadhashay markii uu Madaxweynuhu kacudur daartay saxeexa heshiiski, yadoo uu hore waddanka uga maqnaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid.


Muniir Axmed Cigaal

Freelance Journalist
E-mail Muniir10@gmail.com