Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Safar ugu Baxay Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti

 

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka ka ambabaxay, isaga oo u sii jeeda weftigu magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu intii aanay dalka ka dhoofin ayaa warbaahinta qaar ka mid ah uga waramay ujeedada socdaalkooda. Waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in ay dalka Kenya u tagayaan martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Kenya.

Muddada uu weftigu ku sugan yahay dalka Kenya, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Jaaliyadda reer Somaliland iyo Madaxda dawladda Kenya qaar ka mid ah, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan arrimo la xidhiidha qadiyadda Somaliland.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo weftigiisaba ay kalsooni buuxda ku qabaan Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo uu ku tilmaamay in ay hawl culus u hayaan, loona baahan yahay in laga dhawro wax kasta oo dibindaabyo u gaysanaya iyaga iyo hawsha ay u xilsaaran yihiinba, mudantahayna in lala shaqeeyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu si kulul u cambaareeyay xadhiga wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo dhawaan isaga iyo rag kale oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle, ay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay, kuwaasi oo uu guddoomiyuhu xadhigooda ku tilmaamay mid xaaraan ah oo sharciga’aan waafaqsanayn. Isla markaana waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo xoriyadoodii.

Weftiga xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in marka booqashada dalka Kenya u soo dhamaato ay uga gudbi doonaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, oo iyagana sida la sheegay lagu marti qaaday weftiga.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan golaha Wasiiradda xukuumadda Riyaale ayaa maanta dalka ka ambabaxay dhinaca dalka Jabuuti, sida warar xogogaal ahi sheegayaana aan wax marti qaad ah ka helin dawladda Jabuuti, balse socdaalka Wasiiradani uu daba socdo weftiga xisbiga KULMIYE oo xukuumaddu baqdin wayn ka qabto casuumadaha uu ka helay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
 

 


Togdheernews