Guddoomiyaha xisbiga Kulmiyeoo soo Gunnaanaday socdaal ay ku mareen
Galbeedka Somaliland
Hargeysa (TNN):- Wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbiga
KULMIYE oo uu horkacayey Gudd oomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa
Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku soo laabtay
magaalada Hargeysa caawa, kadib markii uu soo dhammeystay socdaal la
xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta doorashooyinka oo uu ku soo
maray Gobollada Awd al iyo Salal oo qaadashada kaadhka laga bilaabay
toddobaadkan gudihiisa.
Weftiga KULMIYE oo ka koobnaa hoggaanka Xisbiga, xubno Wasiirro
xukuumadda ka tirs an, Xildhibaanno Baarlamanka, Golayaasha
Deegaannada qaarkood ka socday, masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin
xisbiga ku abtirada, kuwaasoo muddo siddeed maalmood ah socdaal
xidhiidh ah ku marayey deegaannada hoos yimaadda Boorama, Saylac,
xeebta galbeed ee Somaliland ilaa iyo xuduudka Djibouti, si ay
dadweynaha ugu dhiirrigeliyaan qaadashada kaadhka codbixinta
doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bisha
March, 2017, ayaa ku soo hoyday magaalada Hargeysa caweyskii caawa.
Weftiga oo socdaalkiisa u dambeeyey ka bilaabay magaalada Lughaya oo
ay u hoydeen h abeenkii Salaasadii, ayaa kadib xaflad ballaadhan oo
shacabka ku dhaqani ku sagootiyee n, waxa uu kormeer ku maray
deegaannada hoos yimaadda magaalooyinka iyo tuulooyin ka kala ah;
Riigga Kalowle, Gargaara, Tuurka, Garba-dadar iyo Cali-xaydh oo laga
fulinayo hawsha qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyaha,
kuwaasoo dadweynaha ku dha qan si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen
masuuliyiinka xisbiga KULMIYE oo iyaguna goobo iyo fagaarayaal kala
duwan hadallo ay uga jeediyeen uga mahad-celiyey qaabilaadda dii rran
ee ay kala kulmeen, isla markaana uga warramay ujeeddada
socdaalkoodka oo ay ku sheegeen inuu daaran yahay wacyigelinta iyo
xog-ogaal u noqoshada xaalada abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan
gobollada galbeedka oo ay ku daran tahay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadallo u
ujeediyey shacabka ku dhaqan deegaannada uu socodka ku maray, ayaa
uga mahad-naqay soo-dhaweymo aan ay u kala hadhin oo ku muujiyeen
taageerada ay u hayeen xisbul-xaakimka iyo murrash axiisa
Madaxweynaha oo ay u ahayd markii koowaad ee ay la kulmaan tan iyo
intii lagu do ortay shirkii shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga
KULMIYE ku qabsaday Hargeysa dabaya aqadii sannadkii 2015-kii. Waxa
kaloo ku boorriyey dadweynaha qaadashada kaadhka cod bixinta
doorashooyinka oo uu ku tilmaamay inuu hiil u noqonayo qarannimada
Somaliland deegaannadooda iyo taageerada ay xisbiga u hayaanba
Dhinaca kale, Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka kula
dardaarmay illaalinta nabadgelyada, wadajirka iyo midnimada ummadda,
waxanu isaga oo si gaar ah ula hadl ayey dadka ku nool deegaannada
Lughaya, Gargaara, Tuurka iyo Garba-dadar oo uu kula dardaarmay inay
xalliyaan kala qeybsanaan dhexdooda taal oo uu xusay inay keentay
kh ilaaf ku salleysan deegaan iyo wax kala sheegasho kala kaxaysay
dad walaalo wada dhas hay oo aan meel kala tageyn, waxaannu
ballanqaaday in diiwaangelintani ka qabsoomi doonto lix
goob-doorasho hoos yimaadda deegaannadaas oo muran dartii aanay wax
cod deyn ahi ka dhicin.
|