WAR-MURTIYEED

 

 

REF/XIS/WAD/XDH/2226/2015 Tariikh:May 13,2015


Mabda ahaan Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa gogosha Wadahadalka iyo wadatashiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland fidiyey.Waxa Xisbi ga WADDANI aaminsan yahay inay Somaliland wax badani ugu hagaagayaan wada hadalKa marka loo eego marxalada maanta la marayo.

Qaabka loo gelayo wadatashiga Qaran iyo ajandaha laga hadlaayo waxaanu wada tashi kala gelaynaa Xisbiga aanu mataanaha nahay ee mucaaradka ah ee UCID ,h aldoorka iyo talo-qabeenk Somaliland.

Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuqradiyada Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda doorash ooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgalay Somaliland waqtiga guddiga doorashooyinku cayimay ee 1 june, 2016

Madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rajoweyn yihiin dal iyo dibadba in lagu Guulaysan doono wadahadaladaas.
 


Allaa Mahad Leh
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI