Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI oo Shac abka Somaliland iyo Umadda Islaamka ah ba ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciida

 


 
Saudi Arabia (TNN) -: Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI ahna guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taage erayaasha Xisbigaasi ee gudo iyo dibad ba, ayaa waxa uu hambalyo iyo boggaadin u diray aa guud ahaan umadda Islaamka iyo weli ba shacabka Somaliland isaga oo ugu hambalyeyn aaya munaasibadda Ciidul Udxaa oo ku beegan maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay Dul-Xij/1438 Hijriya.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu si gaara hambalyo uu ugu dir ayaa ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, xaasaskooda iyo caruurtooda iyo weli ba sida oo kale shaqaale-weynaha iyo guud ahaan ba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan gudo iyo dibad ba, waxa kale oo uu fariin hambalyo ah uu gaadhsiinaya a taageerayaasha baaxadda weyn ee Xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba iyada oo uu dhammaantood ba u rajeeyey in Alle uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo, horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caal amka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu guud ahaan umadda Islaamka ah iyo reer Somaliland ba uu Alle uga baryayaa adkeynta midnimadooda iyada oo uu Eebe ka baryey in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo inta xanuunsanaysa sida oo kale na uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii dhimatay.