WARSAXAAFADEED
 

 


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxaa uu dhambaal tacsi ah uu u dirayaa dhamaanba dadka reer Wajaale ee maanta Khasaarahii hantiyeed uu ka soo gaadhay dabkii maanta halkaasi ka qarxay.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale uu khasaarahaas uu si gaar uga tacsiyadaynayaa isaga oo tiiraanyo badan la qaba dadkii ay sida gaarka ay wa xyeelada Hantiyeed uga soo gaadhay ee


ganacsada iyo dadka kale ee guryaha lahaaba ah,waxaana uu leeyahay Samir iyo Iiimaan Alleh ha idin ka siiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale uu ugu baaqayaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay ka qayb qaataan sidii dadkaa khasaaruhu uu soo gaadhay wax loogu tari lahaa.

Ugu danbayntiina waxaa uu si gaar ah Xukuumada ugu baaqayaa in dabagal dag deg ah ay ku samayso dadkii ganacsada reer Wajaale lacagta ka ururiyey ee yidhi Dab damis ayaanu soo iibinaynaa meesha ay lacagtii geeyeen oo lala xisaab tamo.
 

 


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)