Guddoomiye Cirro Oo Dawladda Finland U Ballan-qaadey Mid eynta Somaliland Iyo Soomaaliya, Haddii Laga Taageero Doorashada (Akhriso Warqad Sir Ah)

 


Hargeysa (TNN) – Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaar idka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku kacay arrimo dhabar jab ku noqonaya qaranimada Somaliland iyo madaxbanaanideeda ay muddadaas 24-ka sanno shacab ka Somaliland tacab iyo tamarba ku bixiyeen.

Guddoomiye Cirro ayaa dawladda Finland ka dalbaday taageero dhaqaale oo uu u adeegsado inuu ku guuleysto doorashada, isagoo u ballan-qaadey in haddii uu doorashada ku soo baxo uu ka shaq eynayo Midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.

Mareegta Wararka ee HUBAALMEDIA.NET, oo heshay nuqul ka mid ah warqadda uu u diray Finland isla-markaana ku qornayd Luuqadda Ingiriisiga, hasa-yeeshee loo beddelay Soomaali ayaa iyada oo dhamaystiran u qornayd sidan:- “Marka hore waxa aniga iyo dawladda Finland sharaf iyo guul u ah in muwaaddin haysta dhalashada Finland oo uu xilal muhiim ah ka hayo dalka asal ahaan ka soo jeedo ee Somaliland oo muddo 23 sannadood ah adduunka ka waayey aqoonsi caalami ah, kana hayo xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo si xor dadweynuhu u soo doorteen sannadkii 2005, sidoo kalena aan ahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee Som aliland leedahay, iyadoo ay weliba labadaas xil waaweyn ii raacdo in aan ahay murrashax u taagan tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee u qorshaysan inay qabsoonto badhtamaha sannadka 2015.


Marka xiga waxaan dawladda iyo baarlamanka dalkayga labaad ee Finland uga mahad-celinayaa kaalinta iyo dhiirrigelintii ay marar badan igu siiyeen inaan mansabyo sare oo siyaasadeed ka qa btay waddankayga koowaad ee Somaliland oo dunidu dhegaha ka furaysteen inay aqoonsadaan muddo dheer.

Maamulladii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland way guuldarraysteen inay dunida ku qanciy aan xaqa dadkayagu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, noqdaanna qaran madaxbannaan, iyadoo aanay jirin sababo si fudud loo fahmi karo oo beesha caalamku ku aqoonsadaan Somaliland oo 23 sannadood oo ay Soomaaliya ka madaxbannaanayd ku tallaabsatay horumar aad u ballaa dhan oo indhaha adduun-weynaha ka yaabiyey.

Aragti ahaan waxa aniga iyo xisbiga hoggaamiyo diblomaasiyan noo muuqatay in siyaasadda hog gaaminta Somaliland u baahan tahay jiho cusub oo looga wareego go’doonka ay adduunka kaga jirto muddo rubuc qarni ku dhow, iyagoo dalalka caalamku sabab uga dhigtay in aqoonsiga Somalil and yahay arrin u taal Soomaalida dhexdooda [Soomaaliya iyo Somaliland oo go’aan ka gaadha midnimadooda amma kala-go’dooda].


Haddaba, anigoo ah murrashax u taagan jagada madaxweynimada Somaliland ee doorashada soo socota waxa ii qorshaysan haddii aan doorashada ku guulaysto in aan qaato nidaamka fedaraalka ee adduunku nagu qasbayo, kadibna aannu caalamka ka dalbano afti dadweynaha reer Somaliland ugu codeeyaan inay goonni uga go’aan Soomaaliya inteeda kale inay ka sii mid ahaadaan mustaqb alka, arrintaas oo aan u arko inay fure iyo guul taariikhi ah u noqon doonto horumar iyo badhaa dhe ay gaadhaan bulshada Somaliland ee go’doonka ku jiray muddo ku siman 24 sannadood.


Sidaa darteed, waxa aan dawladda iyo baarlamanka dalkayga labaad ee Finland marti uga ahay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamaba igu siiyaan sidii aan ugu guulaysan lahaa doorashada ma daxtinimada ee Somaliland ka dhacaysa sannadka soo socda, si aan dadkayga iyo dalkaygaba ugu jeexo jid cusub oo ay caalamka wax kula qaybsadaan, iyadoo aan rumaysnahay in taageeradaasi dawladda iyo shacabka Finland u noqon doonta tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doona dhibaatooyinka, colaadaha iyo dawlad la’aanta daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya ka jirta 23-kii sannadood ee la soo dhaafay, caalamkuna ku jaha wareeray dejintiisa.


Dawladda iyo shacabka reer Finland waxaan u rajaynayaa guul iyo barwaaqo..”

 


 

Source: Somaliland Today