Guddoomiye xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi oo shacabka Somaliland
ka tacsiyadeeyey geeridii ku timi marxuum Maxamed Cabdi
Iskeerse
Hargeysa (TNN ):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE,
a hna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka
wakiil ah Guddiga Fu linta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba
taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,
qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuum
Max amed Cabdi Iskeersi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta
18/06/2016. Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu ka mid ahaa odayaasha
kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay nabadayntii, dawlad dhisiddii
dalka iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda
Somaliland, isagoo xilal kala duwan soo qabtay, waxaannu hadda ka
mid ahaa Golaha Dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse
inuu ahaa aqoonyahan wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiiba, isla
markaana uu ahaa nin xaruuri ah oo mar walba wanaagga ka shaqeeya.
Marxuum Iskeerse oo aas Qaran loo samayn doono waxa lagu aasi doonaa
xabaalaha cusub ee Xeedho berri 10:00 subaxnimo.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka
inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo
shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE
|