War Deg Deg ah: Guddoomiye xisbul xaakimka kulmiye Oo Dibada Uga Soo Baxay Shir Uga Socday Xarunta Kulmiye, Warbaahintana Socod Ugu Jawaabay

 



Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la waydiiyay bal waxa uu ugu jawaabayo shacabka Reer Somaliland ee warka ka sugaysa, waxa uu yidhi "Ummadaas marka aan doono ayaan la hadlayaa, marka aad adigu doonto maaha" ayuu yidhi........


Hargeysa (TNN):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Xildhibaan Cali Xasan Maxamuud (Cali Mareexaan), Wasiirka Wasaaradda Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay wehelinayaan Ku xigeenkiisa Koowaad iyo Xoghayaha GuudKulankan oo uu qorshuhu ahaa in Guddoomiyaha Kulmiye loogu yeedhiyo

Qodobo ay u arkayeen in ay la saxan yihiin isla markaana dan u ah Madaxweynaha Somaliland, Ku Xigeenkiisa iyo Wasiir Samaale ayaa ku soo gabogaboobay Natiijo LaŽaan, ka dib markii uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku gacan saydhay qorshahaasi.
Hadaba Kulankaasi xalay ayaa waxa ka dhashay Kulan hogaanka Xisbiga Kulmiye uu ku yeeshay Xaruntooda Dhexe ee Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo aan Warbaahinta Loo ogolayn ayaa qiyaastii isaga oo socda waxa dibada uga soo baxay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaana halkaasi suŽaalo kula boobay Warbaahinta Maxaliga ah.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay ka muuqato Digtooni aad ahi ayaa kalmado aan badnayn kaga jawaabay suŽaalahaasi, waxaana suŽaashii ugu horeysay ee la weydiiyay oo ay ahayd, bal in uu ka waramo Warsaxaafadeed la sheegay in xisbiga Kulmiye uu ka soo saaray Shirkaasi xalay ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxaanu si kooban ugu suŽaalay Wariyihii sidan "Maxay Adiga Kula Tahay" ayuu dib u celiyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaasi socodka ku jawaabayay.

Mar kale ayay wariyeyaashii tubnaa xarunta Xisbiga Kulmiye, kana dhursugayay bal waxa ka soo baxa shirkaasi oo si kedis ah nasiib ugu helay Guddoomiye Muuse Biixi ay u holadeen in ay waydiiyaan, bal waxa uu noqon doono xalka lagu badbaadinayo Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi "Siday Adiga Kuula Eeg Tahay?" ayuu mar kale kaga jawaabay suŽaal la waydiiyay.

Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la waydiiyay bal waxa uu ugu jawaabayo shacabka Reer Somaliland ee warka ka sugaysa, waxa uu yidhi "Ummadaas marka aan doono ayaan la hadlayaa, Marka aad adigu doonto maaha" ayuu yidhi.

Mar kale ayaa loo celiyay Guddoomiye Muuse Biixi, Bal Waxa uu arko Xalka ayaa waxa uu yidhi "Shirkii Golaha Dhexe Waa Dhacayaa, Doorashaduna waa dhacaysaa, balaayana ma jirto" ayuu
Maalmo kooban ayaa laga joogaa Markii la soo gabogabeeyay Khilaaf ba?an oo soo kala dhex galay hogaanka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin Wasiiro ka ah xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland