PRESS RELEASE

 

Gudida Horumarinta Saaxil ee USA oo Deeq lacageed
gaadhsiisay Kuliyada Berbera
 

Gudida Horumarinta Saaxil ee USA (GHS) waxay halkan ku wargelinaysaa dhamaan dadka degan waddanka Marayka ee na soo gaadhsiiyay deeq lacageed oo ay ugu deeqeen Kuliyada Badda ee Berbera ( Berbera College of Fisheries and Maritime Studies) in lacagtaas tiradeedii ay noqotay $7,400, ka dibna aanu ku shubnay accountka ay Kuliyada Badda uga furan Shirkada Dabahshiil; waxa dhinaca Kuliyada lacagtaa naga gudoomay Fadumo Saeed, oo jawaab noo soo dirtay inay lacagtii soo gaadhay.

GHS markii ay la tashadeen maamulka Kuliyada Badda ee Berbera, waxa ay lacagtan ugu deeqeen si kuliyada loogu kordhiyo fasalad cusub, wixii ka soo hadhana loogu kabo baahi kale oo ka jirta xagga dhismaha sida maamulku sheegay. Waxa Gudida Horimarinta Saaxil ay soo wakiilatay Maxamed Ali Hayste oo jooga Somaliland inuu metalo Gudida Horimarinta Saaxil ee iyo deeq bixiyaasha.

GHS waxay aad iyo aad ugu mahadnaqaysaa dhamaan dadka lacagtan ugu deeqay Kuliyada Berbera oo badidoodu ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay sannad walba bixiyaan deeqdan oo kale.

Dadka deeqda bixiyay way badan yihiin oo ma wada sheegi karayno,
laakiin waxa aanu si dheeraada ugu mahad naq ugu soo jeedinaynaa Mustafe Jama oo nool Magaalada Philadelphia ee , oo qayb libaax ka qaatay deeqdan. Waxa kale oo mahadnaq mudan shirkada Dahabshiil ee iyo gaar ahaan qaybta .



Illaah baa mahadleh



Gudida Horimarinta Saaxil ee

1- Mohamed Hassan Ali Awale
2- Abdi Muuse
3- Abdisamad Ali Dhegaqol
4- Abdi Maax
5- Dr. Ahmed Hassan Ibrahim
6- Mohamed Mahdi (Seattle)
7- Mohamed Xariir (Alexandria\VA)
8- Faysal Madar
9- Abdikhalaq Ahmed Sheikh
10-Rashid Garuf (Herndon\VA)