Gudida ilaalinta Xuquuqda siyaasiga ah ee muwaadinka oo sheegay in waxa kali ah ee ay ku qancayaan ay tahay in la furro ururada siyaasiga ah haddii la furi waayan sheegay in sida dalalka carabta oo kale mudaharaado dhici doonan.

 



Hargeysa (TNN) Gudida ilaalinta Xuquuqda siyaasiga ah ee muwaadinka oo dhawaan lagag dhawaaqay caasimada Somaliland ee hargeysa ayaa sheegay in aanay ku qancaynin waxaan ahayn in la furro ururada siyaasiga ah, waxa kale oo ay sheegen in xukuumada siilanyo wakhtigii mucaaridka ahayd ay balan qaaday in ay furayso ururada siyaasiga ah, waxa kale oo ay xuseen in aanay marnaba ka noqonaynin xaq ay u leeyihiin in la furo ururada siyaasi ah, waxa kale oo ay ka digeen in haddii la furi waayo ururada siyaasiga ah in mudaharada carabta oo kale ay dhici doonan.

Sidaasi waxa ay ku sheegen shirjaraa’id oo ay ku qabteen hotel Xaraf ee magalada hargeysa, gudidan ayaa waxa ay ka koobanyeen Prof. Cabdi salaan yaassiin maxamed, Prof. C/laahi jaamac Cali Eng.Baashe Cabdi Gaboobe, Suldaan Cismaan Ali, Sheekh Maxamed Xaaji maxamuud Xiiray iyo xubno kale oo aad u badan.

Ugu horeyan waxa halkaasi ka hadlay Prof.Cabdi Salaan yaasiin Maxamed waxanu sheegay in xaq Dasduuri ahi uu qof kastaba u leeyahay in uu waxana dooran karo lana dooran karo waxanu yidhi “Ururada in la furaa waa mabda banaan , oo aan xaad u bahnayn, qof kasta xaq ayuu u leeyahay in uu ayihiisa ka tashado oo xaqiisan uu ilaashado, waxana meesha ku jirin in qofka xaqii illahay uu siyey meel laga dhaco, dastuurkeena aynu dhignay ee Somaliland waxa uu dhigayaa in qofku waxa uu dooran karo lana dooran karro taasina waa xuquuq aasaasiya.”Ayuu yidhi Prof C/saalan

Waxa kale oo uu sheegay in furashada ururada siyaasiga ah ay wanaaga Somaliland uu ku jirro“Waxaanu madaxweynaha ugu baaqaynaa oo aan xukumada ugu baaqay iyo dhammaan xisbiyada qaranka shacabiga Somaliland aanu leenahay in arintan furashada ururada siyaasigu ay tahay mid wanaageenu uu ku jiro, marka waa in aynu sii dhamaystirnaa horumarka 20 sanno aynu wadnay.”Ayuu yidhi Prof C/saalan



C/laahi jamac Cali oo isaguna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay haddii lays barbardhigo ururada hala furro iyo yaan la furin ay mecneheedu uu yahay hala tartamo iyo yaan la tartamin sidaasi daradeedna aan lays barbar dhigi karaynin arintaasi waxanu yidhi “Haddii ururada hala furro iyo yaan la furin la yidhado waxay u eegtay iyada oo la leeyahay hala tartamo iyo yaan la tartamin marka mabdi iyan laba wax oo la kala doorto ma ah, dadku waa in uu tartamaa saddexdan xisbina umadu uma dabranaan karto, haddii darosho lagalana ama iyagaa ku soo bixi ama saddex kale ayaa ku soo bixi marka rabitaanka dadka ayey ku xidhantahay sidaasi daraadeedna waa in aan laga hor iman.”Ayuu yidhi

Waxa kale oo uu yidhi “Waxaan ka digayaa in aan dadka aqlabiyadiisa rabitaankiisa in aan la dabrin oo aynan shuruc yaryar isku xidhin, oo wixii ay shacabku doonayaan la fuliyo, waxa loo bahan yahay in wixii ina soo maray wax ku qaadano waxa dalalka carabta ka dhacayana in uu cashar inoo noqdo weyaan, talada iyo go’aanka dadweynaha iska leeh waa in ay xukumaduna fulisaa, Hogaaminta umadu xisbina uma dabranaan karto hebalana uma dabranaan karto, ninkii wax isku hayaa waa in uu dadka kasbadaa,

Waxa uu sheegay in madaxweyne siilanyo uu hore u ga qaybgalay mudaharaado uu xaqiisa ku raadinayo waxanu yidhi “Waxaan leeyahay halgan adag ayeynu soo marnay oo ah mudaharaadyo madaxweynaha laftigiisu wuu ka qayb galay, xaata wasiirka dakhiliga ayaa xisbiyada hala furro dhibaato uga gaadhay, ee yeeynaan dib u noqonin.”Ayuu yidhi yidhi

Eng.Baashe Cabdi Gaboobe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in saddexda xisbi qaran ee jira aanay dhexedooda ka jirin wax dimuqraadiyad ah oo ay u xidhan yihiin saddex nin waxanu yidhi “Sadexda xisbi ee jiraa waynu aragnay oo dhexedooda dumuqraadiyadi kama jirto, ragii dhacay laba goor, ayuunba wali tagan, oo leha aniga ayuunbaa tartamaya marka Somaliland sadex nin way ka weyn tahay”ayuu yidhi Baashe cabdi gaboobe

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo isaguna halkaasi ka hadlay kana mid ah gudida ayaa sheegay in sidii balanku ahaa ay madaxweynaha tallo ka sugayaan, waxanu madaxweynaha ugu baaqay in xaq umada aanu gorggortan galin karin, isla markaana uu si dhakhso ah ugu dhawaaqo furashada ururada.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay xubno kale oo aad u badan dhammaantoodan waxa ay sheegen in ay ku qanci karan uu in la furro ururada siyaasiga ah.

 

Source: Waaheen