Gudida Jaaliyada Somaliyeed Ee Magaalda Oslo oo Maanta
Kulan u Qabtay

 



Oslo,Norway (TNN)-Gudida Jaaliyada Somaliyeed Ee Magaalda Oslo oo maanta Kulan u qabtay Si doo Suaalo Loo Waydiin lahaa Musharixiinta Somaliyeen ee golaha Deegaan Oslo oo Ka dhacay isla Magaaladaasi.

Kulan ay soo Qaban qaabiyeen gudida Jaaliyada Somaliyeed Ee Magaalda Oslo ee la yidhaa Som ali welfare Organzation (SWO) oo uu weheliyo Xubin aad u firfircoonayd oo la ydihaa Eng Axmed Maxamud Farax oo la gaga hadlaayey Arimaha Doorashooyinka Golaha Deegaanka Magaalda Oslo Sidoo kalna ay maal galisay ha y’ada dawliga ah ee Enhet for Mangfold og Integrering (EMI) ayaa maanta ka dhacay Hol ku yaala Magaalda Olso.

Kulankan oo Ay ka soo qayb galeen Dhamaan Musharixiinta Somaliyeed ee u sharaxan golaha de egaanka magaalada Olso, sidoo kale waxaa isna goobjoog aha Mansuur Khaan oo ah Sarkaal la taliye Sare u ah Wasaarada Isdhexgalka dadka Kala duwanaanshaha ee dalkan Norway ee marka la yidhaa IMDI qaybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay shacabweynaha ku dhaqan magaala da Oslo.

Xubnaha Musharaxiinta ah ee ka soo qayb galay kulanaka aya waxaa ka mid ahaa:


-Ismaaciil Cali Axmed oo ka sharaxan xibiga SV
-Baashe Muuse oo ka sharaxan Xinbiga AP
-Faadumo Cali Madar oo ka sharaxan xibiga AP
-Ubax Cabdiqaadir oo ka sharaxan xibiga AP
-Saynab Maxamuud oo ka sharaxan xibiga dhanka Bidixda.
-Iyo Gabadh u sharaxan badhasaabka Magaalada Oslo kana soo baxay sa xisbiga SV waa Maria Borgen.
 


Hadalka oo uu qaybinaayey Saxafiga wayn Ee Muuse Jaambiir ayaa waxa uu ugu horayn uu dalb ay in aa yado quraan ah lagu furo , aayahaas quraanka ah ka dib waxa uu mikrifonka ku soo dha weeyey Saed Barre Werar oo ah Madaxa dhaqaalaha Jaaliyada Somaliyeed ee Olso, Ereyo Maha d naq ah kadiba waxa uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha jaaliyada Rashiid Muuse Ismaaciil , Gud oomiyuhu waxa uu sidoo kale u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay dhamaan waxaanuu shee gay in ka jaaliyad ahaan ay dhex u yihiin Dhamaan musharixiinta u sharaxan golaha deegaanka Magaalada Oslo ayna soo dhaweynayaan xubin alla xubintii ku guulaysta tartankan sidoo kalena waxa uu sheegay in ay shirkan u qabteen sidii ay shacabwaynaha ku dha qan Oslo ay u dar dar galin lahaayeen iyo waliba sidii ay suaalo u waydiin lahaayeen xubnahan u sharaxn golaha deeg aanka.

Waxan isna goobtaasi ka hadlay oo lagu soo dhaweeyey mikrifonka Sarkaalkan ka socday wasar aad IMID ee dalka Norway Mr Mansur Khan , waxaanuu ka hadlay arimo dhawr ah oo ay mid aha yd inta dadka Somali yeen ee laga diiwaan galiyey degmada Oslo ee loogu talo galay in ay codee yaan iyo waliba xubinta mushar axa ahi inta ay ku najaxi karto.Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida loo codaynaayo taas oo uu goobtaasi ugu qayb qaybiyey waraaqo ay ku yaalaab hab codayka doorashadina sidoo kalena uu ku tusay gidaaka iyada oo wayn.

Intaasi kadib waxaa lagu wareejiyey codbahiyaha musharaxiitan manta loo qabtay kulanka taas oo shir ha guhu oo sheegay in musharax walba leeyahay toban minit intaasna uu ku sheeganaa yo waxa uu yahay iyo waxa uu u qaban doono hadii uu ku guulaysto talada dalka , halkaasi oo m usharax walba uu ku soo koobay waqtigii la siiyey wixii uu soo diyaarsaday. Waxaa intasi xigtay in suaalo lagu boobo xubnaha isa soo sharaxay iyana ay mid mid uga jawabaan.


Waad iska taqaan Shacabka Somaliyeen oo Xoogaa fadhiyey waxay sugaanba waa nasashadii halkaas oo goobtii loo diiyariyey cunooyinka kala duwan iyo cabitaanka loo huleelay xageedii taas oo aan ahayn goob ka fogay madasha dadku fadhiyeen oo xaalkeedu ahaaa tiigsasho.

Sidaas ayaanu shirku ku soo gabgaboobay oo xaaladu ay noqotay laba laba iyo sadex sadex in jaanta la isu la sii qaado lana sii falan qeeyo habka doorasha sanadkan oo aad u xalad badan indho badan oo dadyawga ka mid ahna soo jiitay.

NB: Arinta iigu la yaabka badnay ama dadku ay aadka u hadal hayeen waxa la sheegay in 5000 oo cod laga diiwaan galiyey in ay ka codeeyaan degamaha Oslo waad dadka Somalidee sidoo ka lena waxaa iyana la she egay in todoba xubnood oo Somali ahi ay u sharaxan yihiin golaha deega anka sidoo kalena xubintiiba ku soo baxayso 2500 oo cod, hadaba suaasha madmadawgu ku jiraa waxay tahay Xubnaha la diiwaan galiyey iyo xubnaha sharaxani ma isu qayb sami karaan ??? Se xubnaha sharaxani ma samayn kartaan tanaasul si aanu u codka shacabku u noqon biyo col dha anshay?? Mise arinta Xildhibaanadu waa Doorashadii golaha wakiila da Ee Somaliland ee lugta is wada jiiday oo xubinaba xubinta kale la hadhay!!!!.

Waa Suaal is waydiin leh oo ilaa hada aan xal loo haynin!!!