Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilda,Oo Warbixin Ku Saabsan
Hawlihiisa Shaqo Ka Dhageystay Su,aalo Kala Gadisana Ka Weydiiyay
Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland
waxaanu ku guulaysanay maalgashi aanu ka doonaynay mudo badan
Midawga Yurub", Wasiir ka Macdanta iyo Biyaha
Hargeysa (TNN) Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi
Ducaalle ayaa war bix in dheer oo ku saabsan shaqadda uu u hayo
qaranka, waxa uu siiyay Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilda,
Wasiirku waxa uu sheegay in uu ku guulaytay intii uu xilka hayay in
uu wax w eyn ka qabto arimaha Biyo Balaadhinta Dalka, waxana uu
intaasi ku daray in uu sameeyay hab lagu maal gashan karo
Wakaaladaha Biyaha Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama iyo Cee
rigaabo, waxana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlayaa “waxaanu ku
guulaysanay maalgashi aanu ka doonaynay mudo badan Midawga Yurub,
Anaga oo muddo Sanad ah na daba soconay iyada oo maalgashigaana lagu
samayn doono Wakaalada Biyaha Hargaysa ,Burco ,Boorama ,C eerigaabo,
Afartaa Magaalana Waxaa loo qaybin doona Lacagta lagu maal galinaayo,
Lacagta n oo Gaadhaysa 27,000 Milyan iyada oo Qaybata ugu badana
loogu tala galay wakaalada Biha Hargaysa.
Wasiirku waxa uu sheegay in uu ku guulaystay intii uu xilka hayay in
uu wax weyn ka qabto a rimaha biyo yaraaneed ee haystay qaar ka mid
ah magaalooyinka waa weyn ee Dalka, waxan a uu tilmaamay in ay sii
wadayaan arimahan ilaa ay dalka wadda gaadhsiin doonaan biyo ku f
ilan.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle Waxaa kale oo uu sheegay in ay dalka
iman doonaan Guddi ka s ocota Midawga Yurub Todobaadada Soo socda
iyaga oo ku dhawaaqi doona Mashaarcii Biyo Baaldhin oo laga hir
galin doono Dalka, islamaarkaana la bilaabi doono Mashaariicdaasi.
Ugu Danbeyntii waxa Wasiirka Su,aallo kala gadisan ku babay
Xildhibaanadda Gudida Joogtada ah Golaha Wakiilda, waxana ay si isku
mid ah u weydiiyeen waxyaabaha u qabsoomay iyo wax aan u qabsoomin,
tan iyo intii uu xilka wasiirnimo hayay.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|