Gudida Joogtadda Guurtida oo ku baaqay in sharciga la horkeeno dadkii soo abaabulay weerarkii shalay
 


“Waxaan u soo jeedinayaa In sharciga la horkeeno dadkii soo agaasimay weerarkan si looga caago dhacdan oo kale”


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka joogtadda ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Muxumed Aw- Axmed, ayaa xukuumadda iyo ciidammadda ammaanka ugu baaqay inay sharciga horkeento cidii soo abaabushay kana dambaysay kooxdii dableyda ahayd ee shalay waabarigii soo weerartay ciidanka qaranka ee xeradda Soodaanta ee magaaladda Hargeysa.

Md. Muxumed Aw Axmed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu wara mayay Wargeyska DAWAN, waxaanu fool xumadii u weynayd ku tilmaamay dhacdadii shalay koox hubaysan oo dhul boob ahi ku soo weerareen ciidanka qaranka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dhacdadan maanta (shalay) ka dhacday xeradda Soodaanta ee lagu waabariistay ciidanka qarqanka waa dhacdadii ugu foosha xumayd ee ina soo marta, mar waan cambaareynay aa in dad shicib ah oo hubaysani ay soo weeraraan ciidankooda difaaca dalka heeganka ugu jira. Waa ayaan darro, dadkii ku dhintayna ciidanka qaranka iyo dableydiiba eheladoodii waan tacsiya deynayaa waana kaa dhimay oo kugu dhimay Gole Guurti ahaana aad iyo aad ayaanu uga xun nahay ugana naxnay.”

“Falkani wuxuu ahaa mid sawir xun ka bixinaya qaranimadeena oo aan loo baahnayn horena aan la inooga baran, waxaan ka digayaa in la feejignaado in mar dambe falkaasi oo kale uu ka dhaco dalkeena waana ceeb. Dalkeenu uma baahna facaa’ilka noocaas ah,”ayuu yidhi Md. Muxumed A w-Axmed.

Guddoomiyaha Gudida joogtadda ee aqalka odayaashu waxa uu baaq u diray ciidammadda Boolisk a oo uu u soo jeediyay inay sharciga horkeenaan dadkii falkaas foosha xun soo agaasimay ee hin disay, waxaanu yidhi “Waxaan ciidammadda ammaanka iyo Booliska u soo jeedinayaa in si looga caago in dad dhul boob ahi ay soo weeraraan ciidammadda in tallaabo adag laga qaado oo shar ciga la horkeeno kooxdii falkan geysatay, kuwii soo agaasimay iyo cid kasta oo gacan siisayba.”

“Dadweynaha waxaan u soo jeedinayaa inay u hoggaansamaan xukuumadooda isla markaana aa nay waxyeelayn ciidamadooda hadh iyo habeenba u taagan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Arrinta kale ee aan bulshadda ku waaninayo inay ogaadaan waa in dhulka oo dhan ay dawladdu leedahay mulkiyadiisa cidii ciidanka ka hortimaadaana aan loo dul-qaadan. Waxaan leeyahay umm adeey qaranimo iyo qabiil meel ma wada galaan ee qaranimadiina wixii xumaynaya dhinac uga so o wada horjeedsada.”

Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in xiligan loo diyaar-garoobayo qaban-qaabada xuska 21 sano guuradda ka soo wareegtay xiligii ay Somaliland ay madax-banaanideeda kala soo noqotay Somalia 18-kii bishii May 1991-kii.

Md. Muxumed Aw Axmed waxa uu ku dooday in qaranimadda Somaliland ay cadow badan leedah ay loona baahan yahay in xukuumad iyo shacbiba ay gacmaha isku qabsadaan ilaalinta masiirko oda iyo qaranimadoodaba.
 

Source:Dawan