Gudidda Diwaan Galinta Ururadda Siyaasadeed Oo Sheegay Laga Bilaabo Maanta In La Diwaan Galinayo Ururadda Siyaasadeed, Kana Warbixiyay Shuruudaha Laga Rabo.
 

 

 


“Ururka is diwaan galinayaa Foormka ayuu naga soo doonanayaa , oo aanu diinaynaa,waxana uu ku soo Qorayaa..." Xasan Macalin Daawo Siwiradda



Hargeysa,12 November 2011, (TNN)- Guddigii diiwaan-gelinta ka qaybgalka ururrada siyaasadda ay aa maanta ku dha waaqay furitaanka diiwaan-galinta ururrada Siyaasadda ee u tartami doona do orashooyinka dha waan dalka ka dhicidoota ee Dawladaha hoose.

Gudidda Diwaan Galinta Ururadda Siyaasadeed ayaa sheegay in Laga Bilaabo Maanta ay Si Rasmi ah loo Diwaan Galin Doono Urur Siyaasadeed Kasta oo Buuxiya Shuruudaha looga Baahdo, waxana ay intaasi ku Dareen in ay Diwaan Galintu Socon Doonto Muddo 60 maalmood ah ,taas oo ku eg 11/Janawari Sanadka 2012 Ka.

Gudidda Diwaan Galinta Ururadda Siyaasadeed ayaa Sidaas ku Sheegay Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku Qabteen Hotel Imperial ee Magaaladda Hargeysa.

Shirkan Jaraa’id ayaa Wax ka Soo Qayb Galay, Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha, Gudidda Komishanka Qaranka, Masuuliyiinta Xisbiyadda UDUB iyo UCID, Culma Awdiin iyo Marti Sharaf kale.

Ugu Horeyn Wax halkaasi Ka Hadlay Afhayeenka Guddida Diwaan Galinta iyo Furashadda Asxaabta Qaranka Mudane Xasan Macalin waxana uu Sheegay in laga Bilaabo Maanta ay Guddidda Diwaan Galintu Bilaabayso Habkii ay u Diwaan Galin Lahayd Ururadda Siyaasadda waxana uu Yidhi isaga oo Arimahaasi ka Hadlayaa “Sidaas La Socotaan wax laysla qaatay in dib loo Furro Ururadda Siyaasad da si uu Tartan kale Dib u Dhaco, Sidaas Darteed Guddida Ururadda Diwaan Galintu iyadda oo ka Du ulaysa Dastuurka Dalka Habka Uu Qaatay Xeer Lambar 40, Farqadiisa 1,2,3,4,.

Laga Bilaabo Maanta oo ay Bishu Tahay 12/Novebar/2011 waa Ay Furan Yihiin is Diwaan Galintu Mudaas oo ah 60, Maalmood kuna e'g Bisha Janawari/11/2012 ka.”

Afhayeenku waxa uu Sheegay in Urur Siyaasadeedka Is Diwaan Galinaya laga Rabbo Shuruudo ay ka Mid Yihiin in uu Bixiyo Lacagta Deebaajiga iyo in uu Soo Dhamaytirro Shuruudaha Xeer Hoosaad kiisa, Isaga oo ka Hadlayaana Waxa uu Yidhi “Ururka Is Diwaan Galinayaa Foormka ayuu naga Soo Doonanayaa , oo aanu Siinaynaa Waxana uu ku Soo Qorayaa Codsi, uu Codsanayo , in loo Diwaan Galiyo Magaca Ururka oo Dhamaytiran, Shirkiisii Goloha Dhaxe Xilga uu Qabsaday, Xeer Hoosaadka Ururka kaas oo ku Salaysan Sharciga Dalka u Yaal, iyo Lacagta Cashuurta ee Laga Rabo”

Xasan Macalin waxa uu sheegay in Urur Siyaasadeedka Mudadda Lixdanka Maalmood Ah ku Soo Xereen Waaya Codsigaas inaan laga Qabanayn siddaas Awgeedna aanuu ka Qayb Galayn Ururad da Siyaasadda, waxana uu Yidhi “Anagoo (Guddida) ku Dhaqamayna Mudadaas oo ah 60 Maalm ood, Ciddii Ka Dib Dhacda Lagama Qabanyo Warqadda”.

Afhayeen Xasan Macalin waxa uu Baaq u Direy Cid kasta oo ay ku Jirto Han Siyaasadeed waxana uu tilmaamay in ay ka Faa’iideystaan Wakhtiga loo Qabtay”Marka Ay Xidhanto Diwaan Galintano
Toban Sanno oo Danbe Dib loo Furri Maayo Markaa Ninkii Guux ku Jirrow Badka is keen Hadda”. Ayuu Yidhi Xasan Macalin.

Ugu Danbeyntii waxa Halkaasi hadal kooban Ka Soo Jeediyay Gudoomiyaha Diwaan Galinta Ururadda Siyaasadeed Mudane Cabdirisaaq Ciyaalle waxana uu ka Warbixiyay arrimaha diiwaan-gelinta, ururrada siyaasadda ku soo biiraya iyo shuruudaha waxaanu tibaaxaya inay u furan tahay inay is diiwaan Galintu Furmayso maanta laga billaabo sidaas awgeedna socon doonto lixdan maalmood.

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office