Gudidii Qabanqaabada ee Xisbiga Kulmiye oo la Ansixiyay, Xu bn o Cusubna lagu Kordhiyay iyo Qodobada shirkii Maanta la isku Afgartay.

 



Isla markaana  lagu darey Xubnaha ururadii ku soo biirey Xisbiga ee Dalsan iyo Rays  ...

Hargeysa (TNN):-Waxaa maanta si Rasmi ah loo Soo saaray Liiska Cusub ee Magacyada Gu dida Qabanqaabada shirwaynaha kulmiye isla markaana si rasmi ah la iskula qaatay xubnah aasi oo muran ka taagnaa markii hore.

sidoo kale waxaa la isla meel dhigay sadex qodob oo ay kamid ahaayeen in xubnaha Gudida fulinta Xisbiga Kulmiye intii ka banaaneyd la buuxiyay, islamarkaana, lagu darey Xubnaha ururadii kusoo biirey Xisbiga ee Dalsan iyo Rays, taas oo dhinaca kalena lagu kordhiyay Xu bnaha Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Sideed Xubnood oo Magacyadooda lasoo saare y.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Gudida Fulinta iyo Xubnaha Wasiirada Xukuumada ee katirsan Xi sbigu ku yeesheen Guriga Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa falanqeyn badan kadib la isla qaatey inta ugu badan ee nuxurka qodobadii muranku ka taagnaa oo ay kamid ahaayeen buuxinta jagooyinkii ka banaanaa Xubnaha Gu dida fulinta oo hogaanka Xisbigu soo dhigay, iyo xubnaha laga qaadanayay ururada Rays iyo dalsan ee ku hadhey Doorashooyinkii D/hoose oo Xisbiga Kulmiye ku soo biirey, iyo xub naha lagu kordhiyay Gudida qabanqaabada Shirweynaha, ee sideeda Xubnood ahaa, oo lii skoodii oo dhamesys tiran lasoo saarey, iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen afar iyo sodon xubnood oo Golaha Fulinta Xisbiga Kulmiye, ah(34 )islamarkaana, ay laba iyo sod on kamid ahi cod gacan taag ah ku aqbaleen xubnaha lasoo kordhiyay ee fulinta iyo qaban qaabada Gudoomiyihuna aanu codeynin halka ay laba kamid ahina ka aamuseen, halkan ka akhriso Xubnaha Gudida qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo dhameystiran:



1-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

2-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe

3-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa

4-Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

5-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi

6-Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari

7-Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye(Cali-Gabiley)

8-Xasan Maxamed Cali(Xasan-gaafaadhi)

9-C/risaaq Waabari Rooble

10-Sahal Maxamed Jaamac

11-Cismaan Garaad Soofe

12-Faarax Yuusuf Nuur(Faarax-Xadhigle)

13-Abiibakar Xaamud Jibriil

14-Xasan Mawliid

15-Cabdiraxmaan Maxamuud Caraale

16-Yaasiin Maxamuud Cabdi

17-Amaal Xaaji Axmed Miisaan

18-Mustafe Faarax Dhoore

19-Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Cabdi-giire)

20-Dr Cumar Cilmi Duxood

21-Farax Faarax Cali

22-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali

23-Aamina Yuusuf Aar

24-Fu,aad Maxamed Cumar

25-Yuusuf Nuur Maxamed(Garuuje)

26-Ibraahim Cowke

27-Maxamuud Axmed Saalax

isku soo wada duuboo waxaa si wayn looga dhursugayaa Shirwaynaha fooda inaga soo haya ee kulmiye oo la filayo inuu qabsoomo dhamaadka sanadkan kaasi oo aan la saadaalin karin waxyaabaha ka soo bixi kara.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland