Gudiga Qaban qaabada Shirweynaha 2aad ee Xisbiga UDUB waa xulkii Qaranka

 

Gudiga qaban qaabada shirweynaha 2aad ee UDUB waa xulkii qaranka , hogaankii Xisbiga , xaqsoorayaaal iyo xeer beegti loosoo xulay xaqiijinta qiimaha weyn ee xisbiga iyo in UDUB ku yahay Xisbi Qaran oo ka duwan Axsaabta kale Tayo ahaan una qalma in shacbi weynaha JSL mar 2aad dortaan.

Natiijo ka soo baxday daraasad iyo qiimayn lagu sameeyey gudigaaas iyo arrimo la xidhiidha ayaan hadaba ku soo bandhigi doonaa qoraalkan.

Sida aynu la wada socono Madaxweynaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa magacaabay gudi ka kooban 11 xubnood una xilsaaray qaban qaabada Shirweynaha 2aad ee Xisbiga UDUB. Xubnaha Gudigan oo isugu Wasiiro, Wasiir ku xigeenno iyo Saraakiil sare oo ka tirsan hogaanka Xisbiga UDUB waxaa gudoomiye u ah Madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin. Daraasad iyo qiimayn Xisbiga UDUB UK ku sameeyey Tayada Aqoonta Xirfadda, Waaya aragnimada, Wada shaqaynta, dedaal badaanta, hawl karnimda hogaaminta, habdhaqan wanaagga iyo astaamo kale oo ka mid ah shuruudaha lagama maar maanka u ah ku haboonaanshaha hawsha, xilka iyo waajibaadka loo igmaday Xubnaha Gudigan ayaa muujinaysa natiijo aad u heersaraysa oo dhiiri galin weyn u ah guud ahaan Xubnaha xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisaba. Daraasadda waxaa si cad uga soo ifbaxay in tayada gudigani tahay mid si wanaagsan isugu dheeli tiran marka laga eego dhinacyo badan.iyo inay tahay guddi aad uga heer sarayso gudiyadii qaban qaabooyinka ee Axsaabta mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid.

Hadaba inkasta oo sidaa tahay xaqiiqadu, hadana sidii caadada u ahayd ama looga bartay xubno ka tirsan Axsaabta mucaaridka ah ayaa iyaga oo aan ka fiirsan ay markiiba dhaleecayn guudka uga tureen habka loo soo xulay iyo xubnaha gudiga qabanqaabada Shirweynaha 2aad ee UDUB kaas oo la qaban doono horaanta bisha Feebarweri 2009.

Waxaa iyaduna arrin lala yaabo iyo filanwaa ku noqotay dadkeenna hadalada aan haboonayn iyo dhaleecaynta aan loo meel dayin ee gudiga qabanqaabada shirweynaha UDUB ay u soo jeediyeen Xubno ka tirsan isla xisbiga UDUB oo ku tilmaamay in gudiga qaban qaabada ay qalad tahay in uu gudoomiye u noqdo madaxweyne ku xigeenka JSL ahna Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB mudane Axmed Yuusuf Yaasiin taas oo ay qaar ku dhawaaqeen in aanu dhexdhexaad u noqon karin Xisbiga.

Waxa markiiba halkaa ka soo baxday in xubno tiro yar oo ka tirsan xisbiga UDUB ay iyaga oon ka fiirsan si fudud ugu dhawaaqi karaan erayo saamayntooda ay iyaga laftooda ceeb ku tahay oo ay ku luminayaan kalsoonidii xubnaha kale iyo dadweynahaba.
Waxaa la xasuusinayaa in qofka ka tirsan Xisbiga UDUB, ha ahaado Musharax, Masuul kale ama Xubin caadi ahba in ay tahay qalad iyo talaabo aan haboonayn in iyada oo aan loo hayn wax caddayn ah layska canbaareeyo gudiga qaban qaaabada ee shirweynaha Xisbiga UDUB ee hawsha muhiimka ah u fulinaya xisbiga UDUB.
Waa maxay ceebta ku jirtaa? Yaase uga sareeya ama kaga haboon hogaaminta guddi kasta oo loo magacaabo UDUB haday tahay qabanqaabo iyo haddii kaleba Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB.
Gudoomiyaha Gudigan mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Xubno badan oo ka tirsan gudiga qabanqaabaduba waa masuuliyiin Qaran oo lagu aaminay una haya Qaranka JSL xil ka weyn ka xisbiga UDUB sidaa darteed ma haboona in magacooda iyo sharaftooda wax loo dhimo waana rag laysku halayn karo oo hawsha ay Qaranka u qabteen caddahay.

Dhinaca kale qofka UDUB ah ee aaminsan in gudiga qabanqaabadu Xubnaha UDUB ay u kala eexanayso ama aanay u sinayn muxuu ku qancinayaa qofka mucaaridka ah ee yidhaahda Adiguba Wasiir UDUB ama Xildhibaan UDUB ayaad tahay oo dhexdhexaad ummadda uma tihid oo cadaalad darro ayaad samayn jirtay ama samayn doontaa haddii xil laguu dhiibo ama lagu doorto. Haddii aan Xubnaha UDUB ka farsiin hadaladooda iyo ficiladooda, su’aalo badan ayey dadka reer Somaliland is weydiin doonaan.

Maqaalada aan loo meel dayin ee loo soo gudbiyey mareegaha ama Internet ka iyo qalabka warbaahinta ee kale ee lagaga hadlaayo Madaxweyne ku xigeenka iyo kaalintiisa musharaxnimo haddii loo fiirsado waxaad arkaysaa in dadka qaar ay iskaga qaldan tahay cidda ama golaha samaynaya kala doorashada Musharaxiinta UDUB dhexdiisa iyo cidda madax ama gudoomiye u noqon karta Gudiga qabanqaabada shirweynaha oo ah waajib in Xisbiga UDUB qabsado hogaaminteedana ay iska leeyihiin Gudoomiyaha UDUB iyo Ku xigeenkiisa ama ciddii kale ee ay u igmadaan.

Xisbiga talada haya ee UDUB wuxuu soo gaadhay oo uu maanta dul taagan yahay bar tilmaameedkii caanka ahayd ee Axsaabta kala ee Somaliland ku bariiqan jireen, taas oo dadka Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba wada sugayeen oo u calaamadsan, waxaana looga baahan yahay Xisbiga UDUB inuu booddo dheer kaga gudbo booraamaha.
Sida Xisbi kastaa u maamulo arrimihiisa marka uu soo gaadho madashan ayaa waxay muujisaa oo laga daawadaa tayada xisbiga iyo waxqabadkiisii muddaddii la soo dhaafay iyo waliba inuu yahay iyo in kale Xisbi hanan kara Kalsoonida ummadda oo laysku aamini karo mustaqbalka.

Kol haddii arrintu sidaa tahay xisbiga UDUB na uu doonayo inuu mar labaad ku guulaysto doorshooyinka iyo hogaaminta ama talada dalka waxaa looga baahan yahay xubnihiisa ka soo qayb gala shirweynaha 2aad inay lahaadaan aragti dheer oo ka shishaysa madasha shirka iyo xubnaha musharixiinta, iskana ilaaliyaan khilaafka iwm. Waa inay muujiyaan masuuliyad iyo lexa jeclo xisbiga ah iyo aragti mustaqbalka dheer.

Waa in la ogaadaa mustaqbalku inuu ka muhiimsan yahay joogtada ama xaadirka. Xisbiga iyo sumcaddiisuna ka muhiimsan tahay xubin kasta. Sidaa darted waa in laga fikiraa mustabalka iyo sidii xisbiga UDUB loo sii wanaajin lahaa tayadiisa iyo horumarinta xeerka xisbiga. Waana in la fahmaa in Xeerku ka muhiimsan yahay Xisbiga sida Xubinta uu Xisbigu uga muhiimsan yahay. Xubnaha Xisbiga UDUB waa inay ka fikiraan sii wanaajinta iyo adkaynta xeerka xisbiga.
Xeerka Xisbi kastaa wuxuu muujiyaa tayada Xisbiga iyo xubnaha. Sidaa darted waxaa lagamamaarmaan ah oo ka muhiimsan Xeerkastana dadkiisa oo ah kuwa samaystay ee looga baahan yahay fulintiisa iyo inay ku dhaqmaan.

Gebagebadii Xubnaha Xisbiga UDUB waa inay wanaajistaan shirkooda, ku dhaqmaan xeerka xisbigooda, ilaashadaan xisbigooda kana fikiraan mustaqbalka iyo sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorshada soo socota dalkana ugu soo hoyn lahaayeen Ictiraaf iyo horumar balaadhan.
 

 



Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK