Gudin laba afleh (curiye,C/raxmaan Maxamed Cali Ubaxle)

 


Maansaddan oo soo baxday 7-12-2011 waxay iftiiminaysaa xeel dheerida murtida iyo xilkasnimad a hal abuurka, dadka alle ku manaystayna qofba in uu si ugu adeegto shar iyo khayr, xumaan iyo samaan, duudsi iyo sinaan balse qofkastaa meeshu doono hala maro e in ay ku tahay xujo isway diini ka danbayso qofkastaaba wuxuu dhitaysto ayuu yeelanayaa waajib baana ka saaran in gud ashadeeda iyo ilaalinta sumcadeedaba waxaad moodaa in marba marka ka danbaysan dunida sa muhu ku sii yaraanayo inta ilaahay ku galaday waxa looga baahanyahay inaanay xaquuqdeeda ilaaliyaan mana habboona in niyad jab la muujiyo hadal iyo murti maansadu waxay ku bilaabmay saa

 

 


Gocashiyo xasuusiyo
Mahadhada gudbaysiyo
Murtiyeey gob deeqeey
Gacal tuu wadagee
Guryo samo jeclaydeey
Sida gaawe caana ah
Galad laysu dhiibiyo
Godal iyo barwaaqiyo
Gaax iyo irmaaneey
Nimcadii guyaadiyo
Godankiyo xareediyo
Gaxadhkiyo ugbaadkiyo
Hoobaan la goostaay


******


Gudbisada aqoontiyo
Garashada islaamkiyo
Gilgishada asluubtaay


******


Marna gurintir yaabliyo
Gudcur iyo humaagiyo
Gabgab iyo isqaadiyo
Galdaloolo badanneey
Tacolaada gudhisee
Gogol xaadhka fidisee
Gayigaba midaysee
Godob reebta noqotaay


******


Marna gacalo dooxiyo
Golxof loo afaystiyo
Warmihiyo garnaylkiyo
Gishigaamka laayiyo
Burbur iyo gumaadeey


******


Ta gumaysi diiddee
Gobonimo ku dirirtaay
Taqabiilka goysee
Geediga ka rarataay


******


Tagaraadka badanee
Gadhcadaha xishmaysee
Goolwacan ku taagtee
Guurtidu ku hirataay


******


Tagaliinka jamatee
Martidana u gogoshee
Yarad lagu gudoomaay


******


Tagayaanku doonee
Guurdoonku qaadee
Geenyada horqabatee
Geel lagu aroorshaay
Tagabaati noqotee
Guri lagu yagleelee
Gole lagu ilaystee
Aqal lagu gangaamay


******


Marna gole ka fuuliyo
Gibladiyo cayaartiyo
Gadgadoonka luuqdiyo
Galbiskiyo mashxaradiyo
Gurdan raaca sacabkee
Gabdho loogu heesaay


******


Tagarsoorka wacanee
Ina kala guraysee
Garyaqaanku sheegaay

******

Ta go'aanka fulisee
Gadh hayaha la talisee
Gambisee af qabatee
Garabkaba ka jabisee
Gudin laba aflaysaay


******


Marna gaalo lagadiyo
Gudbantii darwiishkiyo
Gadoodkii hargaysiyo
Gaashaanka adagiyo
Cadhadiyo galiilyiyo
Ciil iyo gubtahanyooy


******


Tagamaan ku joogtee
Gelin hore mirsiisee
Geeraar ka tirisaay

******

Tagaboodka noqotee
Giiryaale celisee
Geesiga xasilisee
Goombaar ka durugtee
Gaarida la socotaay

******

Marna geed sumeediyo
Gabangoobi halisiyo
Goblan iyo barooriyo
Guluf iyo colaadeey


******

Taxumaa ka gubatee
Gogol dhaafka necebee
Gaabsiga fashilisaay


******

Marna garangar muuniyo
Gudintiyo hangoolkiyo
Hayinkiyo gadhqabadkiyo
Gaadiidka noqotaay


******

Bulsho geediyaysaad
Gurgurshaa u tahayoo
Ana kaama gaabshee
Inta uu xil gaar ahi
Guudkeena sudhanyahay
Gam'i mayno nuuroow
Intaan gaaniyow nahay
Sida guumihii berri
Marba dhinac isula guday
Garo oo xalleefoow
Guubaabadaydiyo
Waxan uga gol leeyahay
Googaa ku soo sheeg


******


Adna galawga qayshiyo
Guuguule yeedhoow
Gudbi maansaddaydoo
Inta gabayga tirisiyo
Hal abuurka geeskiyo
Dunidoo dhan gaadhsii


******

 

 

curiye,C/raxmaan Maxamed Cali Ubaxle)