Gudineey haddaan gobolkay kugu jirin
imaad goyseen.
 


Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh
Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita
Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado’e

Erayadii Abwaan Cabdilahi Dhodan.

 

Qoraalkaygan waxa aan isku dayayaa inaan wax kaga idhaahdo talaabooyinka aan loo  dulqa adan karin ee uu kacayo wasiirka caafimaadku Cabdi Haybe.

Talaabooyinka Maamul Xumo ee uu ku kaco Wasiirku Caafimaadku Wakhti yadan danbe oo aan lasoo Koobi karin Bal aan dhawr farta ku godo.
1. Ugu horeyn waxa shaqadii uu ka joojiyay agaasimihii guud ee cusbitaalka Hargeisa kaas oo aanu isagu awood u lahayn inuu shaqada ka eryo maadaama labdoodaba laga soo  magacaa bay madaxtooyada.

2. Ta labaad waxay tahay markii uu si ula kac ah oo badheedha shaqadii ka fadhiisiyay 11  dha khtar oo ah dhakhaatiirtii dalka ugu wanaagsanayd kuna yidhi kama hawl gali kartaan  cusbit aalada dalka taas oo dhabarjab ku ah caafimaadka dalka oo idil, dhakhaatiirtaas oo iyagu  ah aa kuwo lagu soo hirto oo aanu mad madaw ku jirin kaalinta ay kaga jiraan Caafimaadka dalka iyo kor u qaadidiisaba.

Markii hadaba ay xukuumaddu ka gaabisay arimahaa qaran dumiska ah ayay maantana  geyay siisay Wasiir Haybe inuu Agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka ku yidhaahdo shaqadii waan kaa fadhiisiyay isagoo og inuu agaasinka hay’addu tahay halka ay kala socdaan arimaha wasaaraddu ama si kale aan u idhaahdee iyadoo uu agaasimuhu yahay waaxda ugu mihiimsan hay’ad dawladeed sababtoo ah waxa arimaha kala wadaa waa agaasimaha ee maaha  wasiir ka, iyadoo laga dharagsanyahay inuu wasiirku yahay jago siyasadeed ( political post) haba  y aratee aan wax aqoon ama xirfad ah u lahayn hawlaha caafimaadka ee uu faraha kula jiro.


Hadaba waxaan leeyahay wasiirka caafimaadka wasiir hadaan gobolkay kugu jirin imaad  goy seen, taas oo aan ka wado haddii aanad is lahayn waxa kuu soo baxday dhakhaatiir cusub oo ay soosaareen dhakhatiirtaad manta shaqada ka fadhiisisay lamaad hadli karteen.

Hadaba sida iska cad waxa uu wasiirka caafimaadku ka dhiganyahay sidii wiil yar oo is cimri  de dajinaya, waayo waxaad si khariban u isticmaashay awooddii aad qaranka u haysay taas oo jawaabta kaliya ee lagaa bixin karaa ay tahay in maxkamad lagu soo taago oo waliba lagugu qaado dambiyada culculus ee aad sida dhayalka ah aad u galayso.

 

 

 

Mubarak Ahmed Obolos
Hargeisa, Somaliland