Gudoomiyaha Barlamaanka oo Ku Guuleystay Qorshihii Ahaa In Faramaajo is casilo :--

 


Kadib Iscasiladii Ra’iisal Wasaare Faramaajo,ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay guushu raa caday Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aaden, kaas o si weyn u doonayay in wajigiisa laga hor wareejiyo Reysilwasaare Faramaajo,isgoo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay,isla markaana koontadiisa Dubai ugu tiilay kala baxay 7 milayn oo Dolar si uu hawshaas u kala tuuro,waxaa jiratay in maalmahaan uu Reysilwasaare Faramaajo ku adkeysanayay in uu hortegi doono Baarlamaanka uuna ku qancayo,goŽaanka uu Barlamaanku ka qaato iscasilidiisa,nasiib wanaag shalay oo taariikhdu ahayd 18 Bisha juun ayaa koox xildhibaano ah isu xilqaameen in ay Baarlamaanka,dib u furaan midaas oo u suurta gashay xildhibaanadaas.



kolkii furitaanka Barlamaanka laga dhageystay idaacadaha iyo Telefishanada,ayaa Gudoomiyaha Barlam aanku waxa uu bedelay shaxdii,wuxuuna arintaas si deg deg ah ugu bedelay in inta aan la horgeyn Baa rlamaanka in xoog laaga xayuubiyo Xilka Dalkana si dhaqso leh uga baxo Reysil Wasaare Faramaajo,wa ayo Gudoomiyaha Barlamaanku aad buu uga dheregsanaa in hadii barlamaanka la horgeeyo in uu guuleysan lahaa Faramaajo.,



Waa ayaan darao u soo hoyatay umada Soomaaliyeed waayo shumicii iftiinka ee u soo Bidhaamay ayaa laga demiyay,waana nasiib daro in Madaxweynaha oo heerka Aqoontiisa aanu naqaano in uu mar walba ka amar qaato Nin aan Aqoontiisa Dugsi Dhexe Dhaafsiisneyn,ugu danbeyn Gudoomiyaha Barlamanku waa guuleystay ka Gadaal kolkii uu Xilka ka Xayuubiyay Faramaajo oo ka soo jeeday gobolka gedo,uuna ku Bedelay Ninkii uu ku Ganacsanaa Gudoomiyaha Barlamaanka ee ka soo jeeday Garoowe,la arki donee halka ay ku danbeyso siyaasadiisa guracan gudoomiyaha barlamaanka,iyo sida looga guuleysan doono mucaaradka oo fara baas ku hayo jiritaanka qaranka soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

Farxiya Cabdisalaan
Breda Holland
Farxiya234@hotmail.com