Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Iyo Maayarka Magaalada Oo Dhagax-Dhigay
Dhisme Loogu Tallo-Galay Gurigii Martida
"Gurigani Waxa uu u yahay Magac Cid kasta oo wax ka qabatay, Qof
kasta oo Wax-qabad muuq da qabtana waxa qori doonta Taariikhda"
Badhasaabka Gabiley Cali Aadan Meecaad
Gabiley (TNN)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad iyo
Maayarka Magaalada Mar wo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra
Xaaji Gaydh) dhagax dhigay dhisme ballaadhan oo loo qorsheeyey in uu
noqdo Gurigii Martida, kaasi oo loogu talo galay Madaxda iyo Martida
timaada Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley .
Gurigan oo laga binaynayo dhinaca Waqooyi ee Magaalada ayaa
Munaasibadii lagu dhagax dhig ayey oo Barqadii maanta ka dhacday
isla goobta laga dhisayey ayaa waxa wehelinayey Masuu liyiintii
Dhagax-dhigaysay Xog-hayaha Dawlada/Hoose ee Gabiley, Xildhibaano ka
tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Cuqaal tiro badan, iyo Marti-Sharaf
kale.
Munaasibadii Dhagax-dhigaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha
Golaha Deegaanka Gabiley KHadra Xaaji Gaydh oo sheegtay in ay
Maamulku ku jireen Guri kiro ah, maantana ay bilaabeen Dhismaha
Gurigii Martida, waxaanay tidhi: "Waxaanu maanta Dhagax-dhigaynaa
Guri aanu ugu tallo-galnay Martida, taasi oo Labaatan sano oo
Xukuumada S/land jirtay iyo Toban sano oo Goluhu jireenba intaaba
aanu ku jirnay Guri kiro ah. Waxa nasiib darro in Dhulkii laga
dhisayey ay Dawladu iibsatay, oo Dawladii wayday Dhul Dan-guud ah.
Laakiin taasi waa mid ka horreysay Golaha Deegaanka. Annaguna
Gole-Deegaan ahaaneed ugumaanaan iman wax dhul Dan-guud ah oo
Magaalada yaala, isla markaana waxay nagu qasabtay in aanu Dad
shicib ah ka iibsano Dhul, si aanu Gurigii Martida uga dhisno". ayay
Tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
Xog-hayaha Dawlada/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo isaguna
ka hadlay Xafladii dhagax-dhiga ayaa ka xog waramay Cabirka uu ku
fadhiyo Guriga Martidu, iyo inta Gaadhi ee uu qaadi karo gudaha
Gurigu. waxaanu yidhi: "Waxaan doonaynaa in Gurigani noqdo Guri
qaada M artida Gobolka oo dhan yimaada, Gurigan Cabirkiisuna waxa uu
ku fadhiyaa 80 Mitir, ilaa 120 Mi tir, waxa soo gali kara Gurigan
gudihiisa ilaa Boqol Gaadhi, Waxaanu ugu talo galnay Dhagaxaan tan
Waawayn in ay kaga duwanaadaan Guryaha Martida ee Gobolada kale
bilic ahaan". ayuu yidhi Xog-hayaha Dawlada/hoose ee Gabiley C/raxmaan
Nuur Abokor.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad oo gaba-gabadii
Xafladaa ka hadlay ayaa is na yidhi: "Gurigani Waxa uu u yahay Magac
Cid kasta oo wax ka qabatay, Qof kasta oo Wax-qa bad muuqda qabtana
waxa qori doonta Taariikhda, Maayarkana waxaan Ilaahay uga baryayaa
in Alle ka abaal mariyo Wax-qabadkan". Ayuu yidhi Badhasaabka
Gobolka Cali Aadan Meecaad.
Dhagax-dhiga Gurigan Martida ee Maamulka Gabiley sameeyeen ayaa
noqonaya Mashruucii Afr aad ee Bishan gudaheeda la dhagax dhigay,
iyada oo dhawaan la dhagax dhigay Jid laami ah oo dhererkiisu dhan
yahay 500 mitir oo ay hir-galinayso D/hoose ee Gabiley, kana
fulinayso Tuul ada Kalabaydh, waxa kale oo ay isla Bishan gudaheeda
dhagax-dhigtay Maayarka Gabiley Dugsi hoose dhexe oo sidoo kale ay
ka fulinayaan Deegaanka Gogaysa oo qiyaas 10 kiiloo mitir ka xig ta
dhinaca Waqooyi ee Magaalada.
C/risaaq Axmed Hayaan (Ilka-case)
Timacade News Desk
Gabiley Office
|