Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo ku Baaqay in la soo Gaadho Golihii Sharci Dajinta oo Ciidamo la wareegeen.



Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi (Cirro) ayaa ka waramay sidii ay maanta wax udheceen waxaana uu sheegay in ay Fadhi caadi ah oo ay ubalansanaayeen oo ay sugayeen in la taliyaha sharcigu akhriyo Talo soo jeedintii dhinaca sharciga ee Mooshinadii golaha La horkeenay.


Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in ay iclaamiyeen in marka uu la taliyuhu  akh riyo talo soo jeedinta , ka dibna laba mudane oo ka tirsan labadii dhinac ee  mo oshinka keenay ay akhiryaan, intaa ka bacdi markii uu akhriyay la taliyaha  sha rcigu waxa uu sheegay in labada mooshinba ay waafaqsanyihiin xeer  hoosa adka Golaha wakiilada.


“waxaa kale oo uu sheegay La taliyuhu in mooshinkaa maamuus ka xayuubinta Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka doodiisa la gudo gali karo, waana loo sheegay in arinta ku saabsan mooshinka ay soo jeediyeen ee wax ka  bada lka xeer hoosaadka Golaha wakiilada laba faqradood ayuu kala taliyay la  taliy aha sharciga ee golaha wakiilada Axmed Cali Kaahin, waxaanay kala  ahaa yeen:-


1- in hadii wax laga badalayo xeerka, loo gudbiyo gudida joogtada ah isaga oo tixraacay qodobka 22aad ee xeer hoosaaka golaha wakiilada ,

2- in xilka qaadista shir gudoonka toos loo gudo gali karo taasi oo ah 55 cod” ayuu yidhi C/raxman ciro

Gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa kale oo uu sheegay in ay diyaar uyihiin labada qodob ee uu soo jeediyay la taliyaha dhinaca sharciga ee Golaha wakiilada Somaliland Axmed Cali Kaahin, iyaga oo tix galinaya mar walba sharciga waa sida uu hadalka udhigaye.

C/raxman ciro waxaa kale oo ka hadlay bastooladii maanta uu la soo baxay  m u dane ka tirsan golaha wakiilada, Mudanahaasi oo ka soo baxay xisbiga talada haya ee udub, kana mid ahaa xildhibaanadii la ganaaxay ee golaha qalalaasaha ka abuuray, magaciisuna yahay C/raxmaan Xoog, waxaan uu sheegay  Gudom iyaha Golaha wakiiladu in hubku gabi ahaanba ka mamnuuc yahay golaha  wakiil ada, isaga oo sheegay inaanay iyagu baadhin xildhibaanada ciidan baadhana aanay haysan, waxaa kale oo uu sheegay in uu xildhibaanku bastoolada la soo baxay balse aanay cidna ku dhicin, waxaana uu sheegay in ay ka yeeli doonaan wixii xeer hoosaadka goluhu dhigayo.

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay “in Golihii Lala wareegay oo ciidan aan xaq ulahayni golaha soo galay, oo furayaashii iyo albaadadii lagala wareegay  ina madii waashmaanada ahaa, waxaana uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland iyo cid kasta oo danaynasa Somaliland in golihii sharci dajita oo labadii  todob aad ee ugu danbeeyay ciidan ku wareegsanaa maana hawlahoodii ay labada todobaad sugayeen ay fuliyeen ay ciidan la wareegeen oo furayaashii khasab loogala wareegay” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

Ugu danbayntii waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu in aanay  iya gu hub haysan , waxaanu shacabka iyo aduunkaba ugu baaqay in lasoo   gaa dho golihii sharci dajinta oo gabi ahaanba lala wareegay.

Mooshinadan iska soo horjeeda ayaa buuq iyo muran ka dhaliyay Golaha  Wak iilada maalmihii ugu danbeeyay iyada oo ciidan aad utiro badan la soo dhoobo golaha subax walba oo fadhi ka jiro aqalka wakiilada, taasi oo sababtay in la xidho Wadooyinka waayayn ee udhaw golaha wakiilada gaar ahaana wadada wayn ee Wadnaha magaalada.





Mustafe Abdikariin Ali
(Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office