Gudoomiyaha Golaha Wakiillada oo Sheeg ay in Doorashooyinku ka Nixinayaan Cadawga Somaliland ku Gedaa

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilla ahi (Cirro) ayaa sheegay inay Somaliland ku gedaaman yihiin Nacab badan oo aan ogolayn Jiritaankeeda iyo inay Hanaqaado, sidaa darteedna loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado sidii  Cadaw gaasi looga nixin lahaa, Himilada Qarankana looga wada midho dhalin lahaa.

Gudoomiyaha Golaha wakiiladu waxa uu faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo hadafka ay goonida isugu taagtay inkastoo caqabado badani soo waajaheen.

Gudoomiye Cirro oo Xalay ka hadlayay Munaasibad abaal Marino lagu gudoonsiinayay Shakhsiyaad, Shirkaddo iyo qaar kamida Hay'addaha Warbaahinta Maxaliga ah oo uu soo qabanqaabiyay ururka Somaliland Forum,Waxaanu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay Adkaysi badan kaga soo gudubtay Caqabadaha ka soo waajahay Madax banaanideeda, inkastoo aanay beesha caalamku weli ka gaws adaygayaan inay qiraan jiritaankeeda kolbana ay ku xidhayaan Shuruud, wakhtiganse ay ballan qaadeen inay Aqoonsi u fidinayaan haddii ay Doorashada Madaxtooyadu si xor iyo xalaal ah u qabsoonto.

Waxaana Md. Cirro intaasi ku daray inaynu maanta saaran-nahay Sanaag janjeedha, loona baahan yahay inaynu wada jir kaga saaro una gaadhsiino Figta sare ee Xaqiijinta Qaran-nimo, wxaanu yidhi "Waxaan Qabaa in Somaliland maanta dalcad saaran tahay, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in aynu si wada jira uga saarno".

Waxaanu intaasi kudaray in dhaqaajinta Somaliland ay fure u tahay Doorashooyinka oo Inoo qabsooma "Dalcada ay Somaliland Saaran tahay waxa aynu kaga dhaqaajin karnaa iyadoo doorasho xor ahi dalka ka qabsoonto."ayuu intaasi ku daray Gudoomiyaha Golaha wakiiladu.

 


Qarannews