Gudoomiyaha Komishanka Oo Faro-Cidi Leh Kaga Baxsaday In Xilka Laga Qaado

 

Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Ismaaciil (Kaba-weyne) ayaa shalay faro-cidi leh kaga baxsaday in laga qaado xilka gudoomiye-nimo, kadib markii ay aqlabiyadda guddida doorashooyinku miiska soo dhigeen mooshin ay doonayaan inay xilka kaga qaadaan.

Inkasta oo uu gudoomiyaha guddida doorashooyinku dirqi kaga baxsaday in xilka gudoomiye-nimo laga qaado, haddana mooshinka xil ka-qaadistiisa dib ayaa loo riixay kadib markii waan-waan ay ka galeen kooxo ka kala socda saddexda xisbi iyo xafiiska Akaadamiyadda Nabadda ee Hargeysa.

Guddida Doorashooyinka oo ka kooban toddoba xubnood lix ka mid ah ayaa imika ku sugan wadanka gudihiisa, kuwaas oo subaxnimadii shalay shir isugu yimid xarunta Komishanka, halkaas oo la sheegay inuu ka dhacay buuq weyni, kadib markii ay afar ka mid ah lixdaa xubnood miiska soo dhigeen inay xilka ka qaadaan gudoomiyaha, iyadoo ay gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa isku dhinac ahaayeen, halka ay afarta xubnood ee kalena dhinac ka soo wada jeedeen, waxaana sida la sheegay halkaa ka dhacay buuq iyo sawaxan cirka isku shareeray, taas oo la isweydaarsaday hadalo taag-taagan isla markaana ay xarunta gudahooda ka dhaceen gacan-ka-hadal dhexmaray gudoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka.

Inkasta oo uu gudoomiyaha Komishanku dafiray inuu jiro wax khilaaf ahi, haddana taasi ma noqon wax qarsooma ee waxay noqotay sheeko si weyn dibadda ugu soo baxday, waxaana ilaa subaxnimadii shalay ilaa xalay si weyn laysula dhexmarayay wararka ku saabsan khilaafka cakiran ee ka dhex aloosmay, khilaafkaas oo gebi ahaanba saameyn weyn ku yeeshay geedi-socodka hawlaha ay gacanta ku hayaan Komishanku oo ay ugu horeeyaan hawsha wacyi-gelinta diiwaangelinta ee socota iyo diyaarinta shaqaalaha iyo agabka loogu talo-galay fulinta hawsha diiwaangelinta.

Ma jiraan warar si rasmi ah daboolka uga qaadaya ubucda khilaafka iyo halka ay sartu ka qudhuntay, hase yeeshee waxay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen in arrinta ugu weyn ee eelku ka dhashay ay tahay qaabka loo maamulay qandaraasyo ay guddida doorashooyinku bixiyeen, qandaraasyadaas oo la sheegay inuu ugu shilis yahay qandaraas ku saabsan diyaarinta gaadiidka daadgurayn doona shaqaalaha iyo agabka hawsha diiwaangelinta, taas oo la sheegay inuu qiimihiisu gaadhayo ilaa Milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar Maraykanka ah.

Xubnaha sida weyn uga horjeeda gudoomiyaha waxay ku eedeeyeen inuu ku tagri-falay awoodo dheeraad ah oo aanu xeerku u jidayn, iyadoo xubnaha gudoomiyaha ka soo horjeeda laga soo xigtay warar tibaaxaya inuu gudoomiyuhu hawsha qandaraas bixinta si gaar ah ugu tagri falay. Sidoo kale waxay xubnaha Komishanka ah ee ka horjeeda gudoomiyuhu tilmaamayaan inay jiraan maamul xumo iyo gaabis la xidhiidha hawlaha Komishanka, taas oo aad moodo inay dhinica gudoomiyaha u riixayaan.

Sida ay wararku sheegayaan toddobada xubnood ee Komishanku waxay wakhtigan xaadirka ah u qaybsan saddex xubnood iyo afar xubnood, iyadoo la sheegay inay gudoomiyaha iyo ku-xigeenka iyo xubinta dibadda ku maqan oo ah gudoomiyaha guddida diiwaangelinta ay isku jinaax yihiin, halka ay afarta kalena isku jinaax yihiin, waxaana la sheegay inay jinaaxa mucaaradka ahi gudoomiye u wadaan nin la yidhaahdo Jaamac Sweden oo ka mid ah afarta xubnood.

Markii uu gelinkii hore ee shalay khilaafka Komishanku dibadda u soo booday ee ay qayladu soo yeedhay waxaa xarunta Komishanka tegay kooxo isugu jira saddexda xisbi iyo Akaadamiyadda Nabadda, waxaanay waan-waan ka dhex bilaabeen xubnaha Komishanka, waan-waantaas oo ku dhammaatay in waxoogaa is-afgarad iyo dab-damis ah la dhex dhigay.

Qaar ka mid ah xubnaha dhexdhexaadinta oo la weydiiyay waxa ay ku heshiiyeen xubnahan ayaa sheegay inay afarta xubnood ee watay Mooshinka ridista gudoomiyaha ku qanciyeen inay dib u dhigaan mooshinka xil-ka-qaadista gudoomiyaha ilaa inta ay dhammaanayso hawsha diiwaangelintu, taas oo noqotay sheekada wax lagu dhexdhexaadiyay, waxaana hawsha dhexdhexaadinta la soo geba-gabeeyay kulan xalay caweysinkii ka dhacay xarunta Komishanka.

Inkasta oo uu khilaafka Komishanku shalay sida fulkaanaha u qarxay oo ay dadka badidiisu ku warheleen, haddana waxay wararka u dhuundaloola Komishanku tibaaxeen inuu khilaafka Komishanku ahaa mid muddo soo jiitamayay oo shalay uun halkii ugu saraysay gaadhay. Hase yeeshee inkasta oo waxooga la qaboojiyey khilaafkii weynaa ee shalay dibadda u soo booday, haddana waxay wararka xog-ogaal ahi farta ku fiiqayaan inaanay xaaladda khilaafku fududayn ee ay wax badani huursan yihiin, saacad kasta iyo miridh kastana ay si hawl-yar u qarxi doonto.

Ta kale iyadoo marka horeba hawsha iyo itaalka Komishanka si weyn loo saluugsanaa ayaa haddana khilaafkan ka dhex aloosmay ay dad badani u arkaan inay xaaladdu marayso meel aan qurux badnay oo laga urin karo inay xaaladdu ku dambayso inay hawlaha doorashooyinku wiiqmaan.

 

 

 


Source:Haatuf