Gudoomiyaha Komishanku Wuxu Hadlay Intii Abtinnimo, Af-Xumada Afhayeenkuna Cimri U Kordhin-Mayso Rayaale
 

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh ( Weriyaha Haatuf ee Boorame )

Gudoomiyahka komishanka doorashooyinka Somaliland, oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Maxamuud Muuse (Sweden), ayaa shalay si ka baxsan dhexdhexaadnimada komishanka u shaaciyey in dib loo dhigay doorashooyinkii la filayey inay dalka ka dhacaan 29-ka bishan March, lagana dhigay 31-ka Bisha May, 2009. Shaacintan Jaamac Sweden oo aanay goobjoog ka ahayn masuuliyiinta xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee KULMIYE, ayaa masuulkaasi dib-u-dhigistaasi ku saleeyey ammuuro badan oo ay qaban waayeen komsihanka iyo xukuumaddu, taasina ay meesha ka saartay rajadii laga qabay inay dalkan doorashooyin ka dhacaan laguna haysto xukun diktaatoori ah ilaa inta la helayo cid ay isku afgartaan sifo ka duwan sifaha dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada.

Sidoo kale ayaa shaacinta dib-u-dhigista doorashgooyinka ee shalay waxa ka horeeyey hadallo ay ka muuqatay cadaawad iyo aflagaadooyin loo jeediyey axsaabta mucaaradka ah, siiba xisbiga KULMIYE, hadaladaas oo uu yidhi nin u hadlay madaxtooyadu isla shalay, lana yidhaahdo ina Caddaani Mooge, waxa laga dhadhansanayey inay ahayd farriin lagaga tegay, isla markaana ku qornayd weedho ka arraddan luuqadda diblomaasiyadda iyo anshaxa Siyaasadeed, isagoo aad ugu nuux-nuuxsaday afxumo badan, taas oo aad mooddo inay af-xumada afhayeenku cimri u soo kordhinayso xukuumadda Madaxweyne Rayaale.


Isla shalay waxa dalka ka dhoofay guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale, isagoo u kicitimay dalka Ingiriiska oo uu ku sheegay in dawladda Ingiriisku casuuntay.


Inkastoon la ogeyn in qurba-joogga carriga Ingiriiska ee reer Somaliland u soo dhaweyn doonaan sidii hore, iyo inay ku mudaaharaadi doonaan Daahir Rayaale marka loo eego waxa dalka ka socda, waxa uu Rayaale dalka ka baxay wakhti xaaladda siyaasadeed ee dalku cirka isku shareeray, iyadoo socdaalkiisani ku soo beegmay dib-u-dhigista doorashooyinka, ay la taliyayaashiisu kula taliyeen inuu dalka iskaga baxo si uu uga muquurto gadood dadweyne oo kaga yimaadda cadhada ka dhalatay dib-udhigista doorashada madaxtooyada.


Inkastoo axsaabta mucaaradku, siiba xisbiga KULMIYE dorraad ummadda u sheegay inuu si nabadgelyo ah xukuumadda ugu soo dabbaali doono ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka, dibudhigis dambe iyo muddo-kordhin dambena oo loo sameeyo xukuumadda Rayaale aanay dhacayn, isla markaana diiday inuu horfadhiisto komishanka sharci-darada dib ugu dhigaya doorashooyinkii loo ballamay, ayaad mooddaa inay digniinahaasi ku dhacayaan dhego’aan maqli karin nabadgelyo iyo wada-hadal, balse jecel in lagu wada hadlo siyaalo kale.


Haddaba markaan dib ugu soo noqonno Jaamac Sweden iyo komishanka, wuxu ku hadlay af u eg afkii afhayeenka madaxtooyada, waxana loo qaadan karaa inay ahayd farriin uu kaga tegay madaxweynaha dalka ka sii baxayey.


Jaamac Sweden oo ah ninka labaad ee ku jira komishanka ee ay abtiga u yihiin jilibka reer Ugaas, kana mid ah jilibyada beelaha makaahiil ee uu ka soo jeedo madaxweyne Rayaale, marka lagu daro Ismaaciil Muuse oo inkastoo uu reer Boorama yahay, isna ay abti u yihiin isla jilibka reer Ugaas ee beelaha makaahiil ee madaxweyne Rayaale ka soo jeedo, lana ogeyn waxa labadaa nin ee isku abtiga ah iskugu keenay komishanka, ayaa cid kastaa garan kartaa nooca uu u gudbiyey farriintii uu dib ugu dhigayey doorashooyinka Somaliland, isagoo u hadlay sida ay u hadlaan la-taliyayaasha aqalka madaxtooyadu, hadaladaasi oo ay ka mid ahaayeen “Afeef horaa la yeeshaa ama adkaysi dambe.”ayuu yidhi Jaamac Sweden, isagoo si tiiq-tiiqsi ku jiro ugu jawaabaya xisbiga KULMIYE.


Jaamac Sweden oo xilka komishanka hayey muddo yar, nidaamkii uu u hadli jiray wakhtigii uu xubinta ka ahaa komishankaasna la moodayey nin oday ah oo dhexdhexaad ah, go’aan qaadashana leh, ayaa haatan u muuqda nin kale oo u tafaxaytay inuu daafaco abtigii Daahir Rayaale, una fuliyo wax kasta oo uu ku sii haysan karo kursiga, iyadoo Jaamac Sweden loo aaneeyo inuu yahay ninkii ka dambeeyey ridistii labadii gudoomiye ee xilka uga horeeyey, iyadoo la sheegay inuu wax walba jiqsi kaga siiyey oo uu diiday inay shaqadu raaf-riixdo ilaa isaga laga dhigay gudoomiye.

Markii uu Jaamac Sweden xilka kala wareegay odayga saddexaad ee komishanka ka tirsan xidhiidhkana la leh madaxtooyada, halkanna aynaan ku soo qaadayn xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Rayaale, ayaa sidoo kale isku tusay shacbiga Somaliland inuu yahay nin daacad u ah dalka, dadka iyo doorashooyinka, waxase uun maanta la ogaaday inaanu kaga dhabayn wixii uu shalay sheegay ee ahaa marnaba dib nooga dhici mayso wakhtigii loo qabtay doorashada oo ku beegnayd 29 bishan.


Si kastaba si kastaba ha haatee masuulyiinta xisbiga KULMIYE laba ayuunbaa la gudboon maanta si loo ilaaliyo taageerayaasha xisbiga, masuulyiinta iyo cid kastoo dalkan rajo ka leh, waa tan koowaade haddii la marsiiyo aqbalaadda wakhtigan cusub, iyo muddo-kordhin kale oo Rayaale dalkan ku sii haysan karo, ha ogaadaan waxa u hadhay xukuumadda ee keliya ahi inay tahay lafahooda oo xabsiyada lagu hubsado. Waa inay xukuumadda Rayaale kula taliyaan inaanay dawlad ahayn wixii ka dambeeya 29ka bishan haddii aan xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee muddo-kordhinta iyo dib-u-dhighista doorashooyinka.


Ugu dambayntiina wax la sugayey ayay ahayd doorashooyinkan dib loo dhigay sabab kasta haloo sameeyee, waxase aan la hubin khasaaraha ay dalka u geysan doonto siyaasaddan dib-u-dhigista ee Xukuumadda Rayaale ku sii marayso ku dhawaad sideedd sannadood, waxana mar walba soo baxaya waxyaalaha dawladda ku talo-gashay inay doorashooyinka ku boobto ama ku baabi’iso, waxyaalahaas oo dhammaantood aan maslaxad u ahayn dalka, waxana arrimahaasi daliil u ah sida madaxtooyada iyo Madaxweyne ku-xigeenku ololaha siyaasadeed uga bilaabeen gobolada Saaxil iyo Laalays, iyo sida dadkii wada dhashay dagaalka iskugu horfadhiyaan degaanada Gabiley iyo Awdal, dadna ugu dhinteen, hana ogaato xukuumadda Rayaale inta ay kursiga sii haysataba inay sii badanayaan dembiyada ay ka galayeen muwaadiniinta dalka, una jebinayaan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, dalkii Soomaaliyana uu saxeexay inaanay Somaliland isku rogin dawlad ka mid dawladaha Geeska Afrika ka jira.