Gudoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Mustaqbaliisa Siyaasad e ed, Awooda Chief of Cabinet-ka, Xaalada dalka iyo Arrimo kale




Hargeysa  (TNN)- Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay hankiisa Madaxweyne, Awooda Chief of Cabinetka, Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia iyo Xaalada uu haatan dalku ku sugan yahay.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo maanta Waraysi khaas ah siiyay Horn Cable Tv ayaa ganafka ku dhuftay dadka ku andacoonaya in amniga Somaliland wiiqmay isagoo xaaladii galbeedka Somaliland ku tilmaamay mid ka mid ah Xeeladaha cadawgu adeegsanayaan isagoo intaa ku daray in  xukuum ada Somaliland si wayn ugu hawlgali doonto adkaynta iyo Feejignaanta Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu ka hadlay Awooda uu leeyahay Chief of Cabinetka  M adaxtooyada Somaliland kaasi oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn mid awood badan leh isla  markaa na loo baahan yahay in aanay dadku iyagu si kale u macnaysan.

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay hankiisa  Siyaasadee d ayaa sheegay inuu doonayo inuu Madaxweyne nimod isku soo taago shanta Sanadood ee soo  soc ota, isla markaana haatan uu leeyahay da’dii Madaxweynenimo iyo Waayo aragnimadiina isla  marka ana uu danaynayo inuu isu taago Madaxweyne isagoo mar walba waydiisanaya shacabka  Somalilan d, waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya Xukuumada Somaliland iyo  Ethi opia ayaa sheegay in xukuumada maanta talada dalka haysaa ay tahay tii keentay xidhiidhkan  maa nta jira isla markaana uu maanta meel fiican u marayo. Isagoo xusay inay jiraan shaqsiyaad  faafina ya Dacaayad, waxaanuu xusay in furashada ururo siyaasadeed aanuu xisbigiisu waxba ka qabin.


Source:Horn Cable Tv