Gudoomiyaha Kulmiye Oo Shaaca Ka Qaaday In Ururka Al-Shabaab Uu Yahay Cadowga Somaliland In Loo Aa neeyo Xisbigoodana Ay Tahay Gef Iyo Meel Ka Dhac

 



“Xisbiga Udub Markuu Waayey Miciin Kale Ayay Yidhaahdeen Kulmiye Al-Shabaab Buu Ku X id han Yahay, A-lshabaab Oo Aynu Ognahay Inay Cadowgeena Tahay In La Isku Eedeeyaa Waa Ayaan Daro”
Axmed Siilaanyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa December 9, 2009 (Timacade News ) - Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed  Ma xamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shaaca ka qaaday in ururka Al-shabaab uu yahay  cad owga Somaliland, khatar weyna ku hayo xasiloonida iyo degenaanshaha dalka iyo guud ahaanba mandaqada Geeska Africa, kaas oo ku tilmaamay mid ayaan daro ah in xisbigooda loo aaneeyo ururka Al-shabaab inuu ka mid yahay, isagoo intaa ku daray in dhawaaqii  dha waan ka soo yeedhay guddoomiyaha ololaha iyo abaabulka Doorashada ee xisbiga UDUB Cismaan C/llaahi Cigaal (Hindi) uu ahaa mid ayaan daro ah oo gef iyo meel ka dhac ku ahaa qaranimada iyo karaamada shacabka Somaliland.

Waxa kale oo uu Axmed Siilaanyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB ku eedeeyey markii ay ku fashilantay xilkii loo igmaday ay xisbigooda Kulmiye eedo uga  dhigt ay inuu ururka Al-shabaab ee argagixisada ah ay xidhiidh gacan saar la leeyihiin, Waxa  ka le oo uu Axmed Siillaanyo cadeeyay mawqifka xisbigooda ee ku aadan xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha deriska ah oo uu tilmaamay in xisbigoodu aaminsan yahay xidhiidh  wanaa gsan in lala yeesho dalalka Itoobiya, Jabuuti, Somalia iyo guud ahaanba mandaqada Geeska Afrika.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay khudbad ka  jeed inayey xaflad soo dhoweyna oo xisbigoodu u qabtay dhalinyaro iyo haween xisbigooda ku soo biiray oo lagu qabtay Hotelka Summar Time ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo dhalinyaradaasi iyo haweenka ku soo biiray Xisbigooda khudbad u jeediyay, ayaa jawaab kulul kaga bixiyay hadal uu dhawaan xisbigooda Kulmiye uu ku weeraray guddoomiyaha ololaha ee xisbiga UDUB Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo sheegay in xisbiga Kulmiye ay ku jiraan rag loo tuhunsan yahay in xidhiidh gacan saar ay la leeyihiin Alshabaab.

Guddoomiyaha Axmed Siillaanyo ayaa waxa ka mid ahaa khudbadii uu ka jeediyey  madash aaasi “Walaalayaal kulligiinba dhalinyarada ku soo biirtay KULMIYE ee ka soo digo-rogatay UDUB, aad iyo aad ayaanu idiin soo dhawaynaynaa, si fiican oo sharaf leh iyo qalbi furan ayaanu idinku soo dhawaynaynaa. Ku soo dhawaada oo ku soo biira Walaalihiin, ku soo  biir a Xisbiga KULMIYE, ku soo biira Xisbiga Mustaqbalka. Dariiq hagaagsan, horumar, horukac, dimuqraadiyad iyo wada-jir ku soo biira. Waa naga niyad soo-dhawayntaasi.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “In badan baad Siyaasadda Xisbiga ka maqli doontaan Warbaahinta, Af iyo Qoraalna laydinku siin doonaa.” Waxaanu sheegay in Xisbiga KULMIYE xidhiidh wanaagsan la yeelanayo waddamada deriska ee ay ka mid  yiihi in Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta Somalia, isla markaana wuxuu xusay in barnaamijkooda ay ku jirto sidii Dekedda Berbera looga dhigi lahaa mid Caalami ah, waxanu sheegay  siyaas ada arrimaha dibada ee uu xisbiga kulmiye ku talaabsan doono, waxanu ka dhawaajiyey oo uu yidhi “mawduuca aan ka hadlayaa waxa weeye mid la xidhiidha siyaasada xisbiga  Kulmi ye ee arrimaha dibada ayaan idinkala hadlayaa sababtu waxa weeyaan dalkeenu muddo badan ayuu madax banaanaa, wadan ahaa cagihiisa ku taagan dad dadaalaya lahaa  dhiba a tooyin, halgan dheer loo soo galay, dimoqraadiyad bilaabay deegaanka iyo mandaqada xasiloonadeedu iyo deganaanshaheedu aad iyo aad u liito ka muujiyey xilkasnimo iyo  wad ajir ayaynu maanta doonaynaa inaynu mustaqalkiisa kaga midho dhalino, ilaa maanta  wax yaabo aan u arko in maamulka jiraa ku guuldaraystay ama ku fashilmay waxa ka mid ah, ilaa saacadaa aynu jogno in horumarkii aynu ka filaynay in dunidu hore usoo dhaqaaqdo oo ina ictiraafto qaybo badan oo ka mid ahi ama horumar inagu taageerto ama siyaabo kale oo badan wax inoogu qabato oo aynu bulshada dunida ka mid noqono inaynaan arrintaa ku guulaysan ee waxyaabaha aa ay ku fashilantay dawlada maanta jirtaa ay ka mid atahay ayaan qirsanahay oo aan aaminsanahay” ‘hadaba waxaan maanta cadaynayaa in  dawla deenu ama xisbiga talada hayaa markuu miiciin kale waayay wixii aynu meel uga soo wada jeednay qalo la’aan inagoo wadajira oo waxa qudha ee aynu ka midaysanahay uu akaa ahaa nabadgelyada iyo jiritaankeena inay maanta yidhaahdaan xisbiga Kulmiye waxa uu ku xidhan yahay Al-shabaab, Cismaan Hidndi waa maqasheen maalintii dhoweyto waxa ka soo yeedhay ayaan darida weyn inagoo wada og Al shabaab khatarta weyn ee ay inagu hayso oo hore ay wax inoogu fashay oo ficilkeedii aynu ogayn, culimaa’udiin, dhalinyaro iyo  axsa aba aynu ka midaysanahay oo cadow inoo tahay in la yidhaa Kulmiye ayaa ku xidhan waa ayaan daro” sidaasi ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

sidoo kale, waxa munaasabadaasi ka hadlay Madaxa Ololaha Doorashada ee Xisbigaasi u qaabilsan Gobollada Galbeedka Eng Baashe Cabdi Gaboobe Masuuliyiintii, ayaa sheegay in Xisbigoodu ballan-qaadayo in uu Dhalinyarada Siyaasadda ugu ogolaado 25 jir, isla  markaa na bilaa lacag ka dhigayo Waxbarashada Dugsiyada sare.

waxa isna munaasabadaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Keyse Xasan Cige oo Xukuumadda ku eedeeyay in ay ka baxday Heshiiskii ay Axsaabtu hore u galeen oo uu xusay inay ka mid tahay, in Axsaabtu ay u sinnaato Warbaahinta Dawladda. “Telefishanka iyo Idaacadda Dawladda waxa ka socda Barnaamijyada UDUB iyo Borobagaandaheeda, lagamana sii daayo Barnaamijyada Mucaaradka, taasina waxay ku tusaysaa inay jebisay Heshiiskii la galay.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE.

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdilaahi (Xamarji) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Xisbiga KULMIYE waxa yaala wada-tashi ee waanu idin soo dhawaynaynaa, ee soo dhowaada walaalayaal”

xubnihii munaasibadaasi ka hadlay, waxa iyana ka mid ahaa Guddoomiyihii Garabka  Dhalin yarada ee Xisbiga UDUB Muj Jimcaale Maxamed Ciise oo sheegay in Xisbiga lagu khasaaray islamarkaana dadka qaar wali ku sii jiraa moodayaan xisbi jira, tilmaamayna in Udub yahay meel aan dad ka dhaxayn, balse shakhsi kaliya iyo doonistiisa loo adeegayo, waxanu yidhi “cida moodaysa Xisbiga udub inuu jiro waxaan u sheegayaa inaanu ahayn mid jira ee waxa la raali geliyaa shakhsi kaliya, Jug Soo dhacay iyo Cimaan Hindina waxay la mid yihiin habaar qabayaashii Afweyne lugooyay oo kale”

waxa kale oo halkaas ka hadlay Xoghayaha Dhalinyarada ee Xaafadda 26 June iyo  Xogh ayaha Degmada Daarasalaam ee Xisbiga UDUB iyo xubno kale oo dhammaantood sheegay inay ka soo baxeen UDUB, kuna biireen KULMIYE.



Source:Haatuf