Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee JSL oo ka qayb galay Shirar Caalami ah, Sharaxyna Garsoorka Somaliland



Nairobi (TNN) :- Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee JSL ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci ku dhisan iyo maamulka ku dhisan hanaanka A xsaabta badan ee Qaarada Africa” (Open Law- Africa Conference 2015, the free Access to Law in deepening Rule of Law and Democracy ), waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber, waxa soo wada qabanqaabiyay African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal inform ation institute), University of Cape Town iyo Kenya Law.

imageShirka labaad waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa kuna saabsanaa isku imaant inkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo x oojiyo ma amul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaanka (1st Africa Colloquium on Environm ental Rule of Law – Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), waxa anu ka dhacay Nai robi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyay UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.

Shirka hore waxa maalintiisa hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadan ka K enya, Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo gudibinaysay fariin ah in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradooda is waydaarsandoonaan, isla marka ana la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

imageWaxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed, isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagn ayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qors he iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxka da Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaa mka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

imageShirka labaad waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaank a oo waxa hogaaminaayay Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.

Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go’aamada Garsoorka.

Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.