WAR SAXAAFADEED

 

Mudane Cumar Jaamac Faarax
Gudoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB

Waxaynu seeska u dhigaynaa qaran aynu doonayno inaynu ka mid noqo beesha Caalamka aqoonsina ka helo, waxaynu ka guuraynaa qaab ku dhisan qabiil iyo beelo. Waxaynu samaysanay axsaab badan oo u tartanta hogaanka dalka si hufan. Waxa beryahan ka soo baxaya Xisbiga Kulmiye hogaankiisa sare hadalo aan ku haboonayn maamuuska dawladnimo iyo sawirka aynu tusayno beesha caalamka aynu aqoonsiga ka rabno. Dawladi ma jirto, madaxtooyada waan kaa soo saaraynaa, iyo hadalada aan fiicnayn afka jirida ah sidaa waan ka gashanay waa hadalo lagu kicinayo shacabka, laguna abaabulayo nabad gelyo darro ka dhacda dalka oo aynaan qaadi Karin waqtigan, horseedina karta dagaal iyo isku dhac dhexdeena ka dhaca.


Waxan ka badbaadnay khatar weyn oo xisbiga Kulmiye dabada ka riixayey oo ah in golaha Guurtida ay ka soo baxdo inaan maalin loo kordhin xakuumada. Bal qiyaasa maxaa iman lahaa hadday sidaasi wax u dhacaan?. Waxase yaab leh in Xisbiga Kulmiye oo kalsoono weyn siiyey golaha guurtida uu ku tilmaamo go’aankaas mid ayaan darro ah, isagoo ku farxi lahaa hadday sida kale u dhacdo. Waxa ka daran waxay markiiba sheegeen in golaha guurtidu aanu xaq u lahayn inuu xadido waqtiga doorashda, kuna dhawaaqeen inay tahay xaqa Gudida Doorashada qaranak. Markii gudidu go’aanka maalinta doorashada soo saarayna ay diideen. Markaa hogaanka Xisbiga Kulmiye miyaanu is maqal hadalada is dhaafsan ee maalin walba ka soo baxaya.


Waxa Xisbiga UDUB ka go’an in


In la qabbto doorasho Xor ah oo xalaal, oo waafaqsan xeerarka doorashada ee dalka u yaal


In aanu si sharci ah ku qancino, kuna wada hadalo axsaabtaa qaranka
Inaanu aragno, dhegaysano cid kasta oo arrintaa gacan ka geysanaysa.
Qolada UDHIS, Maaha Urur xeerka dalka waafaqsan, hase ahaatee waxanu ka aragnay odayaal, waanuna ka aqbalnay inay sifo odeynimo wax ku dhex galaan, inkastoo aanaan rajo ka qabin inay xal ka keeni karaan raggay shalay fakirka siyaasadeed ku heshiin waayeen, kana ka baxeen


Waxanu Xisbiga Kulmiye ugu baaqaynaa:-


Aan ka wada shaqayno sidii doorasho inoogu qabsoomi lahayd, waqti danbena aanu inooga lumen, dib u dhac danbena inoogu iman.
Ku kalsoonaada hay’ahada Guurtida, Komishanka qaranak iyo kuwa kale ee dastuuriga ahba


U diyaar garooba sidii aynu u dhammaystiri lahayn habdhaqanka iyo anshaxa doorashada (Code of Conduct) ugana wada hadli lahayn sidii aynu hore ugu marin lahayn Dimoqraadiyada iyo Doorashada
Inaynu gacan ku siino Komishanka qaranka hawlaha doorashada
Ka waan tooba kicinta dadka iyo cadaawad ku abuurka beelaha Walaaha ah. Mana jirto cid si gaar ah loo takoorayaa waan loo siman yahay xukuumada


Ogaada inaan qarannimo reero lagu dhisi karin, dadkana aan sugno inay hadlaan maalinta doorashada ee ay codkooda dhiibanayaan. ( Let the people speak their mind).


U caddeeya shacabka inaad doorasho diyaar u tihiin waqtiga la inoo xadiday oo aan sidaa u fogeyn.
 


Waxan ilaahay u weydiinaynaa in Xisbiga talada toosan ilahay waafijiyo