GUDOOMIYAHA UCID OO KA HADLAY SIDA UU U ARKO ARI MA HAN DHEXDHEXAADINTA IYO WAXYAALO KALE

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Gudomiyaha xisbig Ucid Eng Faysal Cali Wara abe oo maanta waraysi siiyey Bbc laanteed afka Somaliga ayaa waxa uu sheegay in sheesheeyahan dhexdhexaadinta ugu yimid dalka Somaliland in ay tahay   ictiraa fkeenii soo dhaw taas oo uu ku sheegay in dadku ay danaynayaa sidii doorsho xor ah loo gali lahaa.

Gudoomiyaha ayaa la waydiiyey arintan wasiiru dawlaha Ethiopia ee dhex  dhexaa dinta ka galay sideed u aragta ayaa waxa uu ku sheegay gudoomiye Faysal in ay soo dhawaynayaan taas oo uu sheegay in aanay ahayn wasiru dawlahan iyo  Ethi opia oo kaliya ee ay arintan ay soo dhex galeen bulshadii ina caawin jirtay ee  dan a ynaysay doorashada iyo Somalilandba, waxaanuu sheegay in ay aad iyo aad ugu mahad naqayaa maadama ay wanaag hadaynu helnona inala wadaagayaan hadii dhibaato dhacdana ay saamayn ku yeelanayso, in ay noo yimaadaana waanu soo dhawaynaynaa , waxaanuu sheegay in ay jawi wanaagsan ku dhacay intii uu  joog ay cid kasta oo uu la kulmay .

Mar uu ka hadlaayey waxay ku heshiiyiin iyo qodobadii lagu dhex dhexaadiyey  wa xa uu sheegay in aanuu iminka sheegayn lakiin waxaan kuu sheegayaa ayuu yidhi in qodobada intooda badan ay soo dhamaadeen taas oo uu sheegay in laba qodob oo kaliya ay u ku adkaadeen oo midna ay isla meel dhigeen midna uu u bahan yahay in la jilciyo. Sido kale waxa uu ka hadlay arintii Serverka iyo  doorash ada oo dib u dhacada oo la sheegay in ay ka heshiiyeen isaga oo taasna wax ka sheegayana waxa uu yidhi

” Horta dastuurka kuma jirto oo si cad uguma qeexna in hadii doorasho dhici  way do in qodob odhanaanaya waqtigaas ayaa la qabnayaa , labii jeer ee horena qardajeex iyo niyada wanaag ayaanu samaynay marka maanta arinta la doonayo waxa weeyey oo aanu rajaynayno in ay dawladuna nala garanayso oo hesiishka ku jiray waxay ahayd in hadii maanta dawladani dhacno in aan loo kordhin ayaa heshiiska ku jiray qodobkaas oo distoori ah ayaa na hor yaala markaa qodobka noogu adag ee aanu doonayno in aanu ka gudubnaa waa kaas,oo aan anaga iyo dadwaynaha midna liqi karin in mar dambe loo kordhiyo madaxweynaha iyo  kuxig eenkisa”


Mar la waydiiyey in ay doonayaan in ay dawlada la shuuraakoobaan oo ay wasiiro ku yeeshaan waxa uu ku sheegay in aanay iyagu wasiiro doonayn ee ay tahay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa taas oo uu yidhi in madaxwaynaha iyo  kuxige enkiisu uu xiligoodu yahay shan sano , marka mar hadii aanay abaari dhicin , dagaalna dhicin waxa uuu sheegay in qodob loo cuskanayaa aanuu jirin taa soo uu sheegay in intii hore oo dhan ay wanaag iyo xushmayn wadeen waxanuu yidhi gudoomiye Faysal doorshada tartankeena waxa weeyan in aanu ku galno anaga oo siman taasaana ugu qurux badan.


Mar uu ka hadlaayey Faysal hadii ay dawladu dhacdo cid loo dhiibaayo waxa uu sheegay in qodobkaasi yahay ka had iyo jeer xakameeya marka la yidhaa yaa loo dhibayaa, waxanuu sheegay hadii la wada fadhiisto oo la wada tashado in arintaa aan qiil loo waayeynin, waxanuu yidhi hadii uu wasiiru dawluhu yidhi dawladan haysaa ha sii joogto maadama uu waqigtu kooban yahay wuu odhan karaa wasiiru lakiin waxa uu yidhi mawqifkayaga waanu cadaynay in aanaanu doonaynin in ay dawladani sii joogto taas oo uu yidhi waxaan ka codsanayna maxaweynaha iyo ku xigeenkiisa inaga oo wada siman aynu garoonka wada orodnee soo diyaar  garo oba.Waxa uu shegay in arintan ay dhamayn doonaan oo ay ku heshiin doonaan.


Mar la waydiiyey faanitaanka had iyo jeer ay sheegtan ee ah in iyaga dhexdooda ay isu tashadaan lakiin se iminka ay ethiopia iyo wadamo kale ay dhex  dhexaad inayaan, waxa uu sheegay in markii hore ay ahayd dawlad aan la ictiraafsanan lakiin se iminka waxaa timid teenii waa la ina danaynaya inaanay arintani soo noqo noqon waxaanuu sheegay raga is abuulay ee salaadiinta leh ee aqoon yahanka leh in ay soo dhawaynayaan .


Suaal la waydiiyey oo ahayd in labada xisbi arimaha qaarkood ay isku mid ka yihiin sidii gudidii ay samaysteen oo kale iyo in ay meelaha qaar ku kala duwan yihiin waxa uu sheegay oo waliba in uu ka xumaa warqad qolada kulmiye ay saxaafada u qaybiyeen isaga oo aan saxeexin isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi


”Marka doodu jirto waa la is hayaa oo ruux ba waxay la tahay ayuu sheegayaa lakiin se mawqifka inu racisanayn oo warqadii aanu ku gorgortamaynay ee la galiyey media ha aniga oon saxeexin taas aad iyo aad ayaan uga xumahay  maanta na anu ka wada hadlaynaa in waxaas oo kale aanay dhicin inshaala wataacalaa lakiin sida kale mawqiyadayadu waa isku mid boqolkiiba boqol”



Source:Togaherer