Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka JAMHUURIGA Oo Xadhiga Ka Jaray Maanta
Xafiiska Xarunta Guud Ee Magaaladda Hargeysa
Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Urur siyaasaddeedka Jamhuuriga Mudane
Cismaan Xasan Mirre ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray
Xafiiska Guud ee uu ururku ku yeelanayo Magaaladda Hargeysa.
Munaasibaddii xadhiga lagaga jarayay ee Xarunta Guud ayaa waxa ka
soo qayb galay Madaxa dda ugu sarsareysa ee urur Siyaasadeedka
JAMHUURIGA, Aqoonyahano iyo iyo Dhalinyaro, Haween iyo Marti sharaf
kalle.
Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Jamhuuriga oo khudbad dhinacayo badan
taabanaysa ka j eediyay Madashaasi ayaa sheegay in uu ururkiisu
gacmo furan ku soo dhoweenayo cid kasta oo daneenaysa ururkan,
waxana uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan la baddalo, is la
markaana uu ururkani diyaar u yahay in uu dalka uj horseeddo dhanka
wanaagsan.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in uu ururkoodu soo dhoweenayo isla
markaana uu diyaar u y ahay Dhalinyaradda, waxana uu intaasi ku
daray in uu ku qiimayn doono wax qabadkoodda “Waxaanu soo
dhoweenaynaa da’yarta lab iyo dhadig anagga oo ku qiimayna wax
qabadkoo dda” ayuu yidhi Gudoomiye Cismaan Xasan Mirre.
Gudoomiyuhu waxa uu balan qaaday inaanuu gudoomiyuhu noqonayn mid
cid gaar ahi lee dah ay, waxana uu intaasi ku daray in uu ururkani
ka dhaxeeyo cid kasta “Waxan halkan ka sheeg ayaa inaanuu ururkani
noqonyan urur cid gaar ahi lee dahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha urur Si
yaasadeedka Jamhuurigu.
Gudoomiyuhu waxa uu carabka ku dhuftay in ay dhowaan u bixi doonaan
Goboladda Dalka So maliland, si ay xafiisyo cusub uga soo furtaan
gabi ahaanba goboladda iyo degmooyinka Dalka “Dhowaan waxa aanu u
bixi doonaa Goboladda dalka, Somaliland, oo aanu ka soo furan doono
Xafiisyo cusub”, ayuu yudhi Cismaan Xasan Mirre.
Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Aadan Maxamed Diiriye (Aadan
Ruush) iyo iyo Aqoo nyahan As-haari, waxana ay sheegeen in uu
ururkani daneenayo isla markaana uu diiradda saarayo, baahiyaha kala
duwan ee bulashadda in uu wax ka qabto, waxa ay tilmaameen in uu
ururkani waxa weyn ka qaban doono arimaha caafimaad, waxbarasho,
dhaqaalle iyo in la soo saaro dhalinayaro leh xirfadaha aqoon ee
kalle duwan.
Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in Saddexddii Xisbi ee horre u
jirey ay ku fashilmeen arimo badan, tanina ay sababatay in ururo
badani ay samaysmaan, balse waxa ay intaasi ku dareen in ururka
JAMHUURIGU uu ku duwan yahay dhamaan kuwii horre u jirey “Saddexdii
horre Xisbi ee horre u jirey waxay ku fashilmeen in ay dhexdoodda
iska maamulaan” ayuu yidhi Mr As-haari.
Dhanka kalle waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka
ururka Jamhuuriga Xasan Maxamed Axmed oo isna halkaasi ka hadlay
ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uu ururkani ka shaqan doono iyo
ujeedooyinka ururkan.
Isku soo wadda duuduub oo xaruntan ayaa noqon doonta xasrunta guud
ee laga maamuli do ono islamarkaana laga arinsan doono hawlaha iyo
waxqabadka ururka JAMHUURIGA.
Cali-mahdi cismaan axmed
Timacade News Desk
Hargeysa office
|