Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Cisman Xasan Mire oo Si Diiran Loogusoo Dhaweeyay Gabiley, Xafiisyo Cusubna Ka Furtay Degmooyinka Gobolka.

 



"Aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin soo dhawaynta aad nasoo dhawayseen, sida..."


Gabiley (TNN):- Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Somaliland Cisman Xasan Mire oo ay wehelinayaan masuuliyiin sarsare oo ka tirsan urursiyaasadeedkaasi ayaa maanta soo dhawayn balaadhan loogu sameeyay degmooyinka gobolka Gabiley oo ay ka furteen xafiisyo cusub oo uruk oodu ku yeelan doono degmooyinkaasi.

Munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay xafiiska guud ee gobolka ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad Dr. Farxaan Siciid khaliif, iyo Xasan Maxamuud Dhiilood , Xoghayaha Guud ee urursiyaasadeedkaasi, Pro Azhari, Safiirkii hore ee Djibo uti iyo Ethiopia Cumar Xaaji Maxamuud (Cumar dheere), Muhaahid Adan Ruush, Wasiiru Dawlihii hore ee Hawlaha Guud, Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde, Gudoomiyaha Gudida qaba qaab ada Cabdi Xasan Seed, Muuse C/laahi Suwayn, Siyaasiyiin, Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahan, Hawee n, Dhalinyaro iyo taageerayaasha urur Siyaasadeedkaasi ee Magaalada Gabiley.

Gudoomiyaha Urursiyaasadeedka Jamhuuriga Somaliland Cismaan Xasan Mireh oo taageerayaas hooda kala hadlay xafiidka guud ee ay ka furteen magaalo madaxda gobolka Gabiley ayaa u sheeg ay in ururkan Jamhuurigu yahay ururkoodii isagoo halkaasi uga balanqaaday inay barnaamijyo faro badan iskugu iman doonaan marka la furo ololaha doorashada, laakiin maanta ay u yimaadeen oo kaliya inay xafiiyadii gobolka soo furaan.
DSC08442

“Anigoo ku hadlaya magaca ururka jamhuuriga Somaliland aad iyo aadbaan idiinka mahad celinay aa sida diiran ee aad noogusoo dhawayseen. Aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin soo dhawaynta aad nasoo dhawayseen, sida sharafta leh aad noo qiimayseen Illaahay ha idin qiimeeyo. Ururkani waa ururkeenii, ururkani waa ururkiinii. Waxaan gaar ugusii mahadnaqayaa ururka qabanqaabada iyadoo ay inoo danbayn doonaan.” Waxay ka mid ahaayeen hadaladii gudoomiyaha urur siyaasade ed ka Jamhuuriga Somaliland u jeediyay taageerayaashooda magaalada Gabiley.

DSC08405
Xasan Maxamuud Dhiilood oo isaguna taageerayaasha xisbigooda kala hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynta ay u sameeyeen raad wayn ku reebi doonto maskaxda masuuliyiinta ururkaasi, is agoo sheegay in ururkoodu yahay mid ay u dhan yihiin bulshada Somaliland min darif iyo darif ugu na baaqay shacabka inaanay maanta ahayn maalin olole la sameeyo.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Urur Siyaasadeedkaasi Jamhuuriga Dr. Farxaan Siciid khaliif oo ka mid ah labada gudoomiye ku xigeen ayaa sheegay inay maanta u cadaatay inay reer Gabiley yi hiin dad guda abaalka loo galo, soo dhawaynta maanta loo sameeyay Cismaan Xasan Mirena muu jinayso inay reer Gabiley diyaar u yihiin inay Gudaan abaalkii.

Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedkaasi Prof Azhari oo munaasibadaasi lagu furayay xafiiska cusub ee urur siyaasadeedka Jamhuuriga Somaliland ayaa sheegay in gobolka Gabiley yahay Gobol kii Waxsoo saarka, sidookalena sheegay in gobolkani yahay gobolka ay ku kala baxaan xisbiyada tartamayaa.

Prof Azhari waxaa kale oo uu ka waramay in reer Gabiley Abaal badan ku leeyihiin dhamaan gob olada kale ee dalka isagoo sheegay in maanta looga baahan yahay inay abaalkii soo celiyaan, isagoo taageerayaashana ugu baaqay in ay niyada ku hayaan in Cismaan Xasan Mire yahay ninkii shaqadiisa uga tagay sidii Gabiley gobol looga dhigi lahaa reer Gabileyna abaalkaasi ku leeyahay.

Boqor Muxumed Geele Seed oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo dadkii aasaasay ee dhidibada u taagay urursiyaasadeedkaasi, isagoo re er Gabiley kula dardaarmay inaanay kala bakhaylin taageerada ee ay u tafaxaytaan sidii ururkaasi taageero buuxda loo siin lahaa.

Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada gobolka ee urur siyaasadeedka Jamhuuriga Somaliland ayaa iyaguna ugu baaqay waftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha urursiyaasadeedkaasi inay kusoo dha waynayaan gobolka Gabiley, taageerayaasha iyo masuuliyiinta urursiyaasadeedkaasiba ay diyaar u yihiin inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, isagoo shacabkana uga mahad celiyay sida ay usoo dhaweeyeen waftigaasi.

Urur Siyaasadeedkan ayaa xafiisyo ka furtay dhamaan magaalooyinka ugu waa wayn ee degmooy inka gobolka Gabiley sida Gabiley, Arabsiyo, Kalabaydh, Wajaale, Geed Balaadh iyo Allaybaday isa goo dhawaan kusoo laaban doona magaalooyinka kale ee ka hadhsan gobolka Gabiley.
 

 

Timacade News Desk
Gabiley , Somaliland