Gudoomiyaha Wakiilladu siduu u arkaa in Gola yaasha Baarlamaanku ka arrinsadaan dawlad doorasho dalka gaadhsiisa?
Madaxweyne Rayaale waxad isugu
timaadeen Ingiriiska iyo kulamadii aad ka wada qayb-gasheen nooga
waran? Gudoomiyaha Wakiillada oo Khamiistii doraad ka soo laabtey Socdaal uu ku soo marey dalal ka tirsan qaarada Yurub, waxa uu xalay Wargeyska Ogaal uga waramey socdaalkaasi iyo guud ahaan aragtidiisa ku wajaahan xaalada siyaasadeed ee dalka. “Hawlaha qaran ee intii aan Safarka gaarka ah ku jiray noo qabsoomey waxa ka mid ahaa, inaan la kulanay dawladihii aanu wadamadooda tegnay iyo Baarlamaanadooda oo xidhiidh hore naga dhexeeyey oo Baarlamaanka Ingiriisku ka midyihiin, Norwey, Isweden iyo Finland in-taba. Si guud ayaanu uga waramayney Marxalada Somaliland ku jirto, Doorashooyinka, nabada iyo dhinaca Ictiraafka. Dhamaantoodna wadamadaasi waxay
noo sheegeen inay goob joogayaal u soo dirayaan Somaliland
doorashadeed. waxa kale oo aad loo daneynayay in doorashadu
qabsoonto.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu. Waxana
uu intaa ku daray in Madaxweyne Rayaale ay dalka Ingiriiska isku soo
gaadheen, balse ka hor intaa Madaxweynu dalkaas u bixin dhawaan uu
kulmey Mudanayaal Ingiriiska Baarlamaankiisa ka tirsan oo qadiyada
Somaliland u ololeeya. “Waxay noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Rayaale
Igiriiska Iman doono…taasina ay ka danbeysay balan hore oo
Socdaalkii ugu danbeeyey ee Madaxweyne Rayaale ku tago Ingiriiska
lagu heshiiyey in dhawrkii Biloodba mar wufuud ka socota Somaliland
ay tagaan Ingiriiska ama wufuud Ingiriis ahi ay yimaadaan
Somaliland.” Taasoo uu sheegay inaanay suurta-gelin. Markase taas laga yimaado,
safarka Madaxweyne Rayaale ku tegay dalka Igiriiska ee ugu danbeeyay,
waxa jiray xogo muujineyay in uu la xidhiidho dareenada siyaasadeed
ee ka dhashay dib u dhacyada doorashooyinka. Sidaa daraadeed,
Gudoomiyaha Wakiillada oo aanu arrintaa wax ka weydiinay waxa uu
sheegay in aanu arrintaa waxba ka ogeyn. “Madaxweynaha waanu is
aragnay Baarlamaanka markii uu tageyna waan la socday, Xildhibaanada
uu la kulmey-na qoladii aan markii hore la kulmay ayay ahaayeen,
waxaaney uga warameen uun Safaradii ay Somaliland ku yimaadeen iyo
hawlaha ay qabteen ee Somaliland ku saabsan si loo badhitaaro
aqoonsigeeda. Hadii ay noqon lahayd in aynu ka mid noqono Barwaaqo
sooranka iyo hadii ay ahaan lahayd sidii aynu ugu biiri lahayn
Baarlamaanada Aduunka ayay uga warameen waxaaney u rajeeyeen kulanka
uu la kulmi doono wasiirka Arrimaha dibada Ingiriisku inuu midha
dhal noqdo.” Gudoomiye Ciro waxa la sii weydiiyey arragtida iyo doodaha tilmaamaya in marka arrimo noocan ahi yimaadaan ay tahay in labada Gole ee sharci dejintu talo ka gaadhaan, waxaana uu ku jawaabey. “Wuu tilmaamayaa Dastuurku in labada Gole ay isu iman karaan, waxaanse ka wadaa uun wax kas-taba aakhirka ha noqoto’e, in marjac loo noqonayo uu inoo noqdo Dastuurku wixii aynu ka weynana aynu caqligeena la kaashano.” Gudoomiyaha Wakiillada waxa la weydiiyey, sida uu u arko walaaca dadka qaar ka qabaan in doorashadu ku qabsoomi karto mudeynta cusub ee Gudiga doorashooyinka ee ah 31-ka May. “Waxaan qabaa waxa ina hor yaala waa arrintaa Serverka oo aan dhamaanin. Carqalad kale oo inaga hor joogta inaynu ilaa 31-ka May qabsano doorashada aniga iima muuqato.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Wakiilladu. Marka laga hadlayo mishiinka kala saaraya dadka isu diiwaan-geliyay doorashada, waxa jira mad-madow ka soo baxay iyo Geeri ka diso ah oo ku timi Gudoomiyihii dhawaan loo magacaabey xilka arrintaasi ka dib markii Gudoomiyihii hore ee Gudiga diiwaan-gelinta xilka laga qaadey. Sidaa darteed, Maadaama Gudoomiyaha Wakiilladu ka mid-yahay masuuliyiinta ugu sar-sareysa ee dalka waxa la weydiiyay arragtidiisa arrintaa ku wajahan iyo sida looga bixi karo caqabadaha taagan. Hase ahaatee, Gudoomiye Ciro arrintaas wuu ka gal-gashay. Waxana uu sheegey in Gole ahaan ay la soconayaan geediga hawsha doorshada, balse waxa uu tilaamay in arrintaas xilkeedu saaran-yahay cida gacanta ku heysa. Gudoomiye Cabdiraxmaan waa dublamaasi Af-gaaban oo aan bixin jawaabo waafiya oo ku saabsan arrimaha saxaafadu wax ka weydiiso, waxana uu ka mid-yahay Xisbiga UCID oo loo arrko xisbi marka arrimo addag la isku qabto u jan-jeedhsada dhinaca Xukuumada, dadka qaar-na waxa ay u tiriyaan Cabdiraxmaan inuu noqon doono mustaqbalka Gudoomiyaha xisbiga ee kala wareegaya Faysal. Su’aal arrimahaas shaqsi iyo Xisbinimo isugu dhafan oo la weydiiyey Gudoomiyaha Wakiiladu waxa uu kaga jawaabey “Annigu ma jecli inaan Xisbiga UCID ku hadlo magaciisa..waa dhab xisbiga ayaan ka tirsanahay, madaxdiisa ayaan ka mid ahay. Tan gudoomiyahana marka wakhtigeedu yimaado ayaan ka jawaabi doonaa. Ta mawaaqiifta Xisbiga waxay illa tahay inaad xisbiga weydiiso.” Gudoomiyaha Wakiillada waxa la weydiiyey oo kale arragti ahaan in uu aaminsan-yahay in la sameeyo dawlad ku meel-gaadh ah oo lixda bisha Afraad ka dib xilka la wareegta dalkana doorasho gaadhsiisa iyo in kale? “Waxay illa tahay inay jiraan hawlo ka horeeya 6-da April oo taas Severku ka mid-tahay oo laga yaabo in xalkooduba ka soo horeeyo. markaa waxay illa tahay aynu taas ka dhur-sugno oo yeynaan ka hor dhicin arrintaas.”
|