Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi Oo casho sharaf usameeyey Orodyahanka Caanka ah Ee Mo Farah....

 

 


Hargeysa (TNN)-Gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mujaahid Muse Biixi Cabdi ay aa caawa casho sharaf balaadhan usameeyey Orodyahanka Mo Faarah oo maalmihii ugu dambe eyey kusugnaa somaliland xafladan casho sharafta aheyd oo kadhacdey Hotel Maansoor ee Magaalada H argeysa .


Xafladancasho sharafta aheyd ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Biixi Usameeyey Mo farah ayaa waxaa kasooqayb galley Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Xoghaya Guud Ee Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid Yuusuf,Mareeyaha Madbacada Qaranka Cali raygal,Mareey aha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye,Lataliyaha Wasiirka dhallinyrada i yo ciyaaraha Rashiid,Xasan waraabacade oo kamid ah qurbajooga somaliland,Ciyaaryahan Mo Farah iyo qoyskiisa iyo fanaanka caanka ah ee Sir Mohamud Cumar iyo martisharaf kalal duwan.


Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo xafaldaasi casho sharafta aheyd hada lkooban kajeediyey ayaa ugu horeyn Tacsi Udirey qosaskii dadkii ku geeriyoodey Daadadkii xalay ku qaadey dooxa agabar 11 qof kunadhinteenw axaanu Yidhi Gudoomiye Muuse “Marka hore waxaan doonayaa in aan tacsi u diro masiibadii kadhacday Agabare oo aan qarankoo dhan ka tacsiyeeyo iyo qoysaskii ay ka dhinteen, masiibo aad uwayn oo shilgaadhi kii ugu waynaa taariikhada Somaliland ayaa dhacay, in 12 qof ay daad mar qudha meel kuwada qaado taariikhda hore umaynaan arag, waxaan tacsi u diraynaa qoyskii, qaranka iyo ahelkii dadkaasba, waliba dadka dhintayna dumar bay ahaayeen oo guriga hooyada iyo aabaha, aabahaa fudud oo hooyadaa reerka isku haysa oo taas waa la ogaaday alle iyagan hawnaxariisto, umadana samir iyo iimaan haka siiyo.” Intaas kadib waxa uu gudoomiyahu ka hadlay casho sharafta uu u sameeyay oradyahanka reer Somaliland Maxamed Faraarax iyo xaaskiisa “ Talbaad Maxamed Faarax iyo xaaskiisa waxan ku tah-niyadaynayaa, waxaad taariikhada ku leedahay waxaad tahay ninkii u horeeyay ee reer Somaliland wiil iyo gabadhba ee soo qaada guul caalamiya. Wali nin kale oo dalkan u dhashay goob qoraal,fan, tacliin waxaa aduunka lagu tartamoo dhan waxaad nasiib u hashay guushaas aad keentay ka sokow taariikhada kowbaad ka tahay, waxaad hormuud u tahay dadka afka Somalilayaga ku hadloo dhan waanan kugu hanbal-yaynaynaa”

Wasiirka Duullista Iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi Oo isna Xafladaasi kahadley ayaa yidhi:“Sharaf wayn ayay runtii iitahay in aan ka soo qayb galo xafldan casho sharaftaa ee uu sameeyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee uu ugu talo galay inuu ku maamuuso Maxamed Faarax iyo Marwadiisa, waxa kale oo xusud mudan Maxamuud Cumar oo kaalin wayn ka qaatay ololalihii xibiga Kulmiye oon halkan uga mahad celinayano, ila markaana ka qayb qaatay imaatinkii orad yahan keena laftigiisu inuu dalkiisa dib ugu soo laabto. Waxaan leeyahay wadankaagii hooyo ayaad timid, muuqaal iyo sawir aanad markii hore haysan ayaad baad heshay waxaan kaa rajaynaynaa inaad tusaale fiican u noqoto da’yarta Somaliland.”

Xoghaya Guud Ee Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid Yuusuf oo xafladaasi kahadley ayaa ugu horey so odhaweeyey Orodyahka oo uusheegey inuu guul taarikhi ah kagaley tartankii Orodada 5000m waxa a oo xoghayuhu sheegey inuu Mo Farah magaciisa uun uu maqli jirey lakiin maanta uu is horfadhiyaa n silamarkaan caawa ay wada joogaantaasi waxaa uusheegey inuua ad ugu maahdnaqaayo imaansh ihiisa somaliland .kunasoo dhawooow somaliland.

Oradyahanka Mo Farah oo xafladaasi kahadleya yaa umahadnaqey Gudoomiyaha Kulmiye casho sha rftan uu usameeyey isagoo xusey inuu aad ugu faarxsan yahey imaanshaha dalkiis ahooyo iyo sida balaadhan ee loogusoo dhaweeyey isagoo xusey inuuw axabdan laqaban doono Somaliland.

Sidoo kale fananaka caanka ah Ee Sir Mohamud Cumar oo xafladaasi kaahdley ayaa umahadnaqey Gudoomiyaha kulmiye muuse bixiiwaxaanu sheegey inuu aad ugu faraxasan yahey sida balaadhan ee losoo dhaweeyey orodyahanka mo farah.

Mareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ,Rashiid oo ah lataliyaha wasiirka ciyaaraha iyo Xasan waraabacade oo xafladaasi kahadley ayaa aad ugu mahadnaqey gudoomiyaha kulmiye casho sharftan balaadhan ee uu kusoo dhaweeyey orodyahanka Mo Farah,
 

 

 


Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqalle02@gmaila.acom
Hargeysa Somaliland