Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Dhaawac Fududi ka soo Gaadhay Misigta

 

Hargaysa(LongliveSomaliland).Xisbiga Kulmiye oo galabta ka hadlay  dha awac soo gaadhay Guddoomiyaha Xisbigaasi Mud. Axmed Siilaanyo.


Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo War-Saxaafadeed kooban galabta ka soo saaray arrinta Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Dhakhaatiirtu caddeeyeen in aanu Gudoomiye Siilaanyo wax kale oo dhaawac ah qabin, balse ay Misigta ka soo gaadhay jabniin fudud.



War-Saxaafadeedkaa kooban ayaa wuxuu u dhignaa sidan;



“Waxaanu umadda la socodsiinaynaa in saaka abbaaro 7:00 subaxnimo uu guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo isleh soo lugee, uu ku turunturrooday Jaranjarta barandaha Gurigiisa. Ka dib markii Cusbatalka Hargeysa la geeyay, waxa Dhakhaatiirtu caddeeyeen in uu Jabniin fududi ka soo gaadhay Misigta. Waxa kaloo ay dhaqtaradu caddeeyeen inaan wax kale oo dhaawac ahi soo gaadhin Guddoomiyaha. Guddoomiyaha oo hadda ku sugan Gurigiisa waxa ay Dhakhaatiirtu kula taliyeen in uu Gurigiisa ku nasto in muddo ah.”






Weriye Mustafe C/kariin Cali

Longlivesomaliland News
Hargeisa Office