Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Magacaabay Xasan Siciid Yusuf In Uu Noqdo Xoghayaha Guude Ee Xisbiga Kulmiye

 


 


Hargeysa, 06 Aug 2011 (TNN)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka magacaabay jagadii Xoghayaha Xisbiga Kulmiye ee uu ka geeriyooday Alleh ha u na xariistee Mudane Kayse Xasan Cige in uu buuxiyo Booskaas Gudoomiyaha Jamhuuriya Medi a Group, Xasan Siciid Yusuf oo ay isku beel ka soo jeedaan Xoghayihii hore ee xisbiga alleh ha u naxariistee.



Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi ayaa ku sheegay buuxintan jagadan Xoghaya ha Guud in uu u magacaabay Md Xasan Siciid si kumeel gaadh ahna uu jagadaas u sii hayn doono.

Gudoomiyaha ayaa sheegay markii uu la tashaday Hogaanka xisbiga, Gudida fulinta iyo wali ba Xubnaha golaha dhexe, Xeer beegtida xisbigu leeyahay taas oo uu tibaaxay in uu u raac ay xeerka xibiga ee qodobka 31 ee dastuurka xisbiga kulmiye in uu u magacaabay xoghaya h guud ee xisbiga kulmiye Md Xasan Siciid Yusuf in uu ahaado Xoghayaha guud ee ku meel gaadhka ah ee xisbiga Kulmiye .

Mudana Muuse Bixii ayaa sheegay in uu Md Xasan Siciid uu aqbili doono sidoo kalena uu ha wshaa loo magacaabay uu sidii la doonayey uu uga soo bixi doono.


Mudane Xasan Siciid ayaa ka mid ah wariyayaasha waaweyn ee Reer Somaliland imikana w axa uu ahaa Gudoomiyaha Jamhuuriya Media Group, sidoo kalena waa mid ka mid ah Tiirark a Saxaafada Somaliland.

Source: Togaherer