Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Ca bdiraxmaan Cabdiqaadir oo lakulmay xubin sare oo ka tirsan Senadka Belgium

 


Brussels (Timacade News)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ahee UCID Injineer Faysal Cali  Wa raabe iyo ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo  booqas ho rasmi ah ku joogay wadanka Belgium ayaa si waday kulamadii ay la lahaayeen kala duwan oo kala tirsan aqalka senadkadalka,belgium iyo xubno sare ooka tirsan baarlamaanka  federaa lka eed dalka Belguim iyo waliba xubno sare oo ka tirdan baarlamaanka Europe .


Maalintii jimcaha 16 /10 waxy ay labada mudane ee Faisal (Ucid) & A. A/ kadir waxay kula  kul meen aqalka senat-ka ee Belgium ku xigeenka madaxa gudida siyaasad arimaha dibeda Mr George Dallemagne .

Waxay labada masuul kala hadleen masuulkan sare arimo badan oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo in beesha caallmku dib u eegto arinta gooni isutaaga S/land ,si looga ilaaliyo  dhib aatoyyinka ka taagan gobolka gaar ahaan Soomaaliya . Masuulkani , in kastoo uu tilmaamay in ay tahay markii ugu horaysay ee arko dad magaca S/land ku hadlaya , waxa uu ka codsady labada masuul ( Faysal & A/rahmaan ) in la sii wado xidhiidhkan ay bilaabeen iyo inuu ka  shaq ayn doono arintan S/land.


Dhinaca kale waxy gelinkii dambe la kulmeen madax xusbiga Ecolo (green party ) ee Belgium , isla markaana ah xubin sare ee xisbigan ee EU , Mr Francisco Padilla . Run ahaan aad ayuu uga helay arintan S/land oo isagan ku cusbayd , waxaanu balan qaaday in uu u gudbin doono gudid arimaha dibeda ee xusbigiisa.


Isla gelinkii dambe waxy booqdeen baarlamaanka dhismaha baarlamaanka federaalka iyo qaybihiisa kala duwan ( chambre, senat ,etc ) , ka dib markii booqasho rasmi ah ku tageen goobtaasi qiimaha badan.
Labadan masuul waxy si aan nasasho lahyn ugu kala wareegayeen kulamadan,iyagoo markaasi si waah-jibka saaran yahay ugu gudbinayay meelaksata oo ay tagaan qadiyada Somaliland iyo waliba sidii taageera buuxda loo siin lahaa Somaliland.


Habeen nimadii waxy la kulmeen jaaliyad S/land Belgium magaalda Brussels , halkaas oo si aad ah loogu soo dhoweeyay iyaguna ay ka jeediyeen warbixino iyo khudbado wax ku ool ah oo aad kloogu bogay. Waxy aad ugu nuuxnuuxsadeen in aan lagu koobnaan oo keliya ictiraaf raadin ee door wayn laga qaato sidii maamul wanaagsan oo lala xissabtami karo dalkii looga dhisi lahaa oo ah in aan inagu lafteena is ictiraafno.
 

Source:Gabileynews