Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay magacyadda xubnaha  gudiga qaban-qaabadda 

 


Hargeysa (TNN):- Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sh aaciyay magacyadda xubnaha ay gudigga qaban-qaabadda xisbigaasi u doorteen maanta Hoggaankooda. Sidaasna waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray. Waxaanu u dhignaa sidan:-

"Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/12/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qaban qaabada ee shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenn o iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar gu ddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Xasan Mow liid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoom iye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeen ka afraad Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxa muud.Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoo dii shaqo.”