Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Hambalyo u Diray Hogaamiyaha Cusub ee Midowga Afrika, Uguna Baaqay Aqoonsiga Somaliland

 

Bristol UK (Timacade News)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  ay aa Hambalyo kal iyo laab ah u diray Madaxweynaha Dalka Malawi Mudane Bingu Wa Mutharika oo laba cisho ka hor shirweynaha Midowga Afrika uga socda magaalada Addis-ababa ay u doorteen inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee Midowga Afrka.


Gudoomiye Faysal waxa kale oo uu Madaxweynaha Malaawi ugu baaqay in uu sida ugu haboon uguna dhakhsaha badan ugu hawl galo sidii uu ururka Midowga Afrika ay uga doodi lahaayeen Qadiyada Somaliland oo warbixinteedu golahaasi hor taalay muddo dheer.


“ Wafdigii xaqiiqo raadiska ahaa ee Midowga Afrika ee booqday Somaliland bishii  M ay ee sanadkii 2005 oo uu hogaaminayay Mudane Patrick Mazimhaka waxay  Somali land ka diyaariyeen warbixin cad oo tilmaamaysay in arrinta Somaliland ay tahay mid qiimo gaar ah leh oo ay waajib tahay in loo helo xal cadaalad ah oo kama  danb ays ah, Ururka Midowga Afrikana ay waajib ku tahay in Qadiyada Somaliland ay go’aan geesinimo leh ka gaadhaan, Warbixintaasi oo lagu waday in Madaxda Afrika la hor dhigo ayaan ilaa imika si cad loo meel marin, taasi oo shacbiga Somaliland ay si Samir leh uga sugayeen madaxda Afrika inay qadiyadooda hoos u eegaan, waxaana aan ugu baaqyaa in Gudoomiyahan Cusub ee Midowga Afrika uu dardar galiyo arrintan” ayuu yidhi Mudane Faysal.


Dhinaca Kale waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID ugu baaqay Midowga Afrika, Yur ub, Amerika iyo Dawladaha Carabta in aanay wakhtiga iska lumin taageerada  mac no darrada ah ee ay siinayaan Dawlada ku meel gaadhka ah ee uu hogaamiyo  Shee kh Shariif, isaga oo sidoo kalana ugu baaqay in Sheekhu uu ka waantoobo hubka iyo ciidamada ay dawladiisu ku isticmaasho shacbiga Muqdisho ku dhaqan “ Kooxda  Sh eekh Shariif wax ay ka taliyaan dhul aan ka badnayn laba Mayl oo qudha, cid ay wakiil ka yihiina ma jirto oo waa koox ka mid ah kooxaha ku dagaalamaya Somalia, hadaba dunidu inay taageerto koox ka mid ah kooxaha koonfur ku dagaalansani waxay ceeb ku tahay dhamaan dawladaha dunida, waxaana dunida ku waajib ah inay wax la qabtaan dadka masaakiinta ah ee ka barakacay Muqdisho iyo guud ahaan dadweynaha Soomaalyeed ee dhibaataysan, waxaa kale oo dunida ku waajib ah inay taageeraan shacbiga Somaliland ee iyagu dalkooda dhisay iyaga oo aan cidna baryin, cidina taageerin laakiin iyagu iskood isugu tashaday, waxaanan usoo jeedinayaa Sheekh Shariif iyo Kooxaha ka soo horjeedaa inay fahmaan in jidka qudha ee u furani uu yahay inay wada hadlaan oo ay dadkooda xasuuqa ay ku hayaan ay ka joojiyaan” ayuu yidhi Eng. Faysal


Waxa kale oo uu Gudoomiayaha Xisbiga UCID si adag u canbaareeyay Maamul  Gobo leedka Puntland oo uu ku tilmaamay inay xeebihii gacanka cadmeed iyo badda cas ay ka dhigeen goob khatar ah oo aanay maraakiibtu si nabadgelyo ah u mari karin, isaga oo tilmaamay in Madaxda Maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin arrimaha budhcad badeeda, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay in Maamulka Puntland ay gacan ka geystaan sidii degdeg loogu sii deyn lahaa lamaanaha reer UK ee Paul Chandler haweenaydiisa Rachel oo tan iyo 23kii bishii October 2009 gacanta ugu jira budhcad badeed reer Puntland ah.


“ Maamulka Garoowe oo si cad ugu lug leh budhcad badeeda waxaan ugu baaqayaa inay degdeg ugu hawl galaan labada qof ee waayeelka ah ee Britishka ah ee ay inamadoodu gacanta ku hayaan, waxaanan ugu baaqayaa inay ka xishoodaan falka aadaminimada ka baxsan ee ay ku kaceen, waxaan sidoo kale ka codsanayaa inay eegaan kumanaanka qof ee Somalilada ah ee UK ku nool iyo dhibta ka soo gaadhi karta ficilka foosha xun ee ay kula kacayaan budhcad badeedu Pual iyo Rachel oo ah laba qof oo waayeel ah oo xanuunsanaya” ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID oo imika ku sugan dalka Finland.


Ugu danbayn waxa uu Enj. Faysal Cali Waraabe si aad u balaadhan ugu mahad  celi yay Jaaliyadaha Somaliland eek u nool dalalka Yurub oo si balaadhan ugu soo  dhaw eeyay socdaalo kala duwan oo uu ku soo maray mudadan uu ku sugnaa qaaradan Yurub.


Kaysar Cabdilaahi
Tafatirka Somali Voice
kaysar@europe.com