Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Maanta U Duulay Dalka Kenya
 



Hargeysa (Longlivesomaliland news)- Waxaa maanta madaarka Harg eysa ee Cigaal International Airport ka duulay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID eng faysal cali waraabe oo ku sii jeeda dalka Kenya.

Socdaalka gudoomiyaha ayaa markii uu duulay waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed, nuqul ka mida war-saxafadeed ayaa waxa uu u dhig naa sidan



WAR-SAXAAFADEED



XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA UCID waxa uu warsaxaafadeed-kiisan maanta ku xusayaa wafti balaadhan oo maanta u kicitimay wadamada Ethiopia iyo Kenya.

Waxa maanta abaaro 1:00 duhurnimo ka duulay madaarka weyn ee magalada hargaysa ee cigaal international airport wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga ucid ENG Faysal Ali Warabe ahna gudoomiyaha xisbiga UCID, iyo musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID DR, Maxamed Rashiid Sheikh Xasan

Waftigan maanta ka duulay madarka hargaysa waxay martiqaad rasmi ah ka haleen wadama donors ka (deeq bixiyayaasha) ee ay xarumntoodu tahay Nairobi.

Waxaa kale oo malinta bari ah la kulmayaan wafti balaadhan oo ka socda wadanka maraykanka oo ay hogaaminayso xoghayha arrimaha dibada ee maraykanka Mrs. Hilary Clinton mudaas uu waftigu ku sugnaanayo wadanka Kenya waxay la kulmi doonaan aqoonyahano, waxgarad, ganacsato reer soomaaliland ah waxay kale oo ay la kulmi doonaan haay,adda interpeace .


Intaas ka bacdi waftigu wuxuu ku soo laabanayaa wadanka Ethiopia halkaas

oo ay kula kulmi doonaan safiirka engriiska u fadhiya magaalada adis Ababa iyo madax sar sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia


Nuxurka safarkan hogaanka sare ee ucid waxa assal u ah xaaladan cakiran ee maanta wadanku galay oo kolay wadamadaas, kale duwan ee ay la kulmi doonaan ay kaga wada hadli doonaan xaalad cusub ee ay manta wadanku maraayo

Safarkan hogaanka sare ee ucid waxa uu qadaan doonaa muddo 10 cisho ah hadii alle yidhaahdo

War-saxaafadeed kaas waxaa ku saxeexnaan xogahaya warfaafinta xisbiga Ucid Md Abdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)


Wabilaahi tawfiiq



Xoghayaha warfaafintaiyo saxaafada ee xisbiga ucid
Md,Abdinaasir YusufCismaan (Qodax)
qodax5@yahoo.com

 

 


Longlivesomaliland News Desk
Reported by:-Mustafe Future
mccfuture@Longlivesomaliland.com