Gudoomiyaha Xisbiga UDUB UK oo Caddeeyey Cidda uu aa min san yahay in UDUB ay burburinayaan Maansana soo tiriyey

 


 



Aniga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee UK waxaan u arkaa in dhamaan Gudiyada kala d uwan ee Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin in Muddo ah ku mashquulsanaa Dhisitaankoodu ay qayral sharci yihiin sidaa darteed wixii Hawlo iyo Go’aammo ay soo saaraan ama ay gaadha anna dabcan waxay noqonayaan waxba kama jiraan. Xisbiga UDUB wuxuu u baahan yahay inuu qabsado Shirweyne oo uu doorto Gole dhexe, Guddi Fulineed, Gudoomiye, Gudoomiye Ku xigeen iyo Jagooyinka kale ee loo baahan yahay si Xisbiga UDUB loo bakhti afuufo.

Sida aad ka fahmi kartaan Maansada aan ka tiriyey arrinka Xisbiga UDUB ee hoos ku qoran taas oo tilmaamaysa in Xisbiga UDUB aanu Waxba ka baran taariikhda soo martay cagtana saaray oo in muddo ahna ku soconayey Jidkii iyo Arrimihii u keenay Guul daraddii lama ilaa waanka ahayd ee laga guulaystay Doorashadii Madaxtooyada JSL ee 2010. Xisbiga UDUB wuxuu qabsaday Shirweynihiisii 2aad bishii Feb 2009 Shirkaas oo Waxyaabo aan Xeerka Xisbiga iyo Shuruucda Axsaabta dalka u taalla midna waafaqsanayn ay ka dhaceen kuwaas oo ah inaan Ergooyinka Shirkaa ka soo qayb galay aanay ka soo bixin Masuuliyaddii ay lahaayeen oo aanay Goobtaas ama Madashaas Shirweynaha si gacan taag ah ugu dooran Gole Dhexe iyo Guddi fulineed toona ilaa imikana Gudiyadaasi aanay Sharciyan u jirin maadaama oo aan Shirweyne kale la qaban.

Haddii aan si kale u dhigo Xubnaha Sheeganaya inay yihiin Gole dhexe iyo Guddi fulineed waa Xubno la soo ururiyey ama la soo magacaabay oo Mudane Axmed Yuusuf iyo Xubno kale Guryaha hoostooda ku soo qorqoreen una raaceen qaabkii 4.5 ee Dawladdii Impeghetti ee Soomaliya waxloogu qaybiyey ama loogu dhisay.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin inay sida ugu dhakhsaha badan waa haddii ay Xisbiga UDUB rajo ka damacsan yihiin u Abaabulaan kuna Baaqaan Qabashada Shirweyne bartaasna lagu doorto Hogaan cusub iyaguna culayska iska ridaan oo ku biiraan Golaha Guurtida sida Dastuurka JSL qorayo Golahaas oo Xubin sharafeed ka noqonayaan.

Arrinta Musharaxnimada Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waa arrin Mustaqbalka u taala Golyaasha la soo doorto ee Xisbiga UDUB, Awoodna uma laha Mudane Axmed YuusufYaasiin iyo Xubnaha aan sifo sharci ugu guulaysan jagooyinka ay ku Andacoonayaan.

Haddii Mudane Daahir Rayaale iyo Mudane Axmed Yuusf Yaasiin ay maqli waayaan taladan nasteexada ah oo sidii aan mar horeba ugu nasteexeeyey kulana taliyey inay iska wareeji yaan Xilka hogaaminta Xisbiga UDUB ay qaadan waayaan waxaa hor iman doonta Xaqiiqad a biyo kama dhibcaanka ah oo ah Xisbigii UDUB oo Garba beel noqda oo laga dareero waxa anay Xaaladda Xisbiga UDUB Maanta Maraysaa Xaaladdii ay ku timi Maahmaahdii la odhan Jiray: Hadduu sii Go’ay.



Wa Bilaahi Towfiiq





Axmed Naasir Xirsi


Gudoomiyaha UDUB UK


Bristol UK






Magaca Maansada: Shalaad UDUB



Shirweynuu u baahnaa Xisbigu uu Sharaf ku yeeshaaye
Sharci maaha fadhi kooxeedyaday Fulin ku sheegeene
Shuquladii la eeday mar kale la shir yimaadeenne
Shactiriyo ciyaar bay wadaan aan shicibku yeelayne
Sheekada ay keenaanba tii horay shaadh u galisaaye
Shanqadh bay maqleen oo xertii way shalaadeene
Sharaxaaddii Ina Waran Cadday Shuush yidhaahdeene
Shalilaa Adaa Waliyunaa bay Nin kale qol ugu sheegeene
Shanshaday ka jabiyeen UDUB kii oo way Shidhaysteene
Shakhsiyaadka sare ee Xisbiga ayaa shaymkan ka masuulah
Sheekh Axmed iyo Rayaalaa Xisbiga Shiiday Cidamkiisa
Iyagaa Shilkaa dhacay maruun Shicibku weydiine
Shakhsi walaalkii duudsiyey dibuu uga shaleeyaaye
Shidadu way horaysee haddaan shiishka dib u saaro
Shaqo xumada ay muujiyeen doorshadii shaahid loo noqoye
Shaxda iyo qorshii guusha UDUB shay kamay garane.
Shaydaan marooleey arkeen oo shuush ku soo furaye.
Shilkihii cidluu kaga qarxay oo yoolkii may shiishin.
Shaaracay ku tureen in badan shantarigoodiiye.
Sheeko uguba weeyaan Xisbigu sheerka uu helaye.
Shirqool iyo dabin qarsoon maxaa shalayto loo qoolay.
Shan sano iyo ka badan buu Xisbigu shallow ka laalaaday
Shoog kama horayn geeridii cigaal ee UDUBka loo sheegay
Shaki ma leh ayaantaa in UDUB shiiqay oo agoomoobay.
Shil Madaxweyne qaran buu ahaa oo shicibku murugooday
Shidhka horee talada xubnihii fadhiyey ee wada shaqaynaayey
Shinni boqorad wayday noqdeen oo runtii taladii may shiilin
Shuush iyo khilaaf baa ku yimi UDUB oo waa la kala shiraye.
Sharaftii iyo magacii Xisbiga ayey sheewal mariyeene.
Shuquladii Afweynoo kalaa dhacay iyo isu awood sheegad.
Shamis iyo ilays buu ahaa Xisbigu uu shicibku leeyahaye
Shamac yar oo qof gaar ahi markuu doono shidanaayo ama
Shaab u furan qoys shirkad ah ayuu UDUBkii shaabahaye.
Shookaanta madaxdii loo igmaday ee kabtanimo sheegtay.
Shidhka markay galeen dayax gacmeed shalayto duulaayey
Shalwiyaa la yidhi oo cirbixiyeenadow UDUB shubaaleeya
Sharcigina ilaashoo ku dhaqa Xeerku siduu sheegay.
Shaqooyin kay xilqaadeen madaxdu shay kamay fuline.
Shacni ma laha xaruntii dhexe oo sharaf umay yeelin
Shaqo carqaladayn baa ka timi maamulkii sheelarayn laaye.
Shooladii Xisbiga laga daari laa ayey shidaal u diideene .
Shubaakaday ka tureen Sharcigii lagu wada shaqayn laaye
Shaxdii lagu dhaqaalayn lahaa Xisbiga shelefka may dhigine.
Shaqaalaha iyo hawl wadeenada UDUB lama shujaac galine.
Shirqool iyo dabin qarsoon maxaa shalayto loo qoolay
Shoog kalaa qabsaday Xisbiga Shaacintii geerida Bulaale.
Shakhsi qiime weyn buu ahaa iyo Shaacir Ummadeede
Shujaacooda ma xusaan Xisbigu oo sharaf kuma xasuustaane.
Shaakirow Janada gee Geesiyada adaan shay ku seegayne
Shirweynihii labaad ee Xisbiga ee muddo shinkii dhaafay
Sharci ku tumashay ahayd iyo shuruudaha la baal maraye
Shawikhin ra’yal caalamkaa UDUB ka loo shiriyey.
Shirweyne dabeed Maansoorka laysku soo shubaye
Shicib kun ergo lagu sheegay baa Shaadh ku soo galaye.
Shuucigii baan xasuustaa maalintaan galay shirkaa Udube.
Sheeko curada oon taariikhda Somaliland cidiba soo sheegin..
Mahadhooyinka shir weynaha haddaan shiishka yara saaro.
Shirweyne kali-musharaxiin buu ahaa iyo Shimbirayow heesa .
Shurcigii oo maqluub loo rogiyo Xubno awood Sheegtay .
Sharaftay ka qaadeen ergaba oo Xubnaa shirkaba loo diiday.
Shakhsiyaad aqoon yahan ah baa shuqulkan ka xumaaday.
Shigshinba gees u yaacyoo xubnaa Isbadal doon sheegtay
Shaqo adag markii loo fadhiyey ee doorashada shaaca laga qaaday.
Shuraako iyaga oo ahaa Mucaaridku markuu shabakadaa tuurtay
Shicibkuna Xisbiga uu dooran lahaa markuu shaandhada u qaatay.
Shirarkii komishankee doorashada UDUB may shu’aysanine.
Shirkadaha adduunkiyo sidii oo uu shisheeyuhu cod bixinaayo.
Shirar bay u duuleen Faraas iyo Dubay iyo Dalal shisheeye ah.
Sheeko iyo maaweelo iyo waran shaafi noqonaynin
Shirar iyo xaflado beena oo Xisbiga laysku soo shubayo
Shuquladii aflaamtii hindiga iyo shoo aan soconayn
Sheekadaa khiyaalka ah ayey Olalihii ku sheegeene.
Shax shax inaan cod lagu soo helayn shaw mabay garane.
Shaqo adag inay guushu tahay Sheikh kastaba sheegye.
Shishe uma dhagaystaan talada uu Nasteex sheego.
Shakibaa ka gala oo wegerta baas baa wax kale sheegta. .
Shimbiro dhib hore qabay oo Shaashkii laga Xiiray
Shabag birana lagu tuuray oo shootali ku seetaysan
Sheekhii sitayna leeyahay markuu shicibku weydiiyey
Shib ka dhaha sharatan duulis ah baa loo shirabayaaye.
Shaashadu warkay tabinayaan iyo Shaniba gaarkoda
Shaqooyinka ay abid wadeen sow sheekadaa maaha.









Axmed Naasir Xirsi
Bristol, UK