Gudoomiye Cirro Oo Sheegay In Uu Ku Guulaystay Soo Afjaradii Khilaafka Siilaanyo Iyo Saylici
 

 


"Markii Aanu Arrintaas Galnay Waxaanu Waraysiyo La Yeelanay Dhinacyadii Uu Khilaafku u d haxeeyey Oo Ahaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo Iyo Ku Xigeenki isa Cabdiraxmaan Saylici"
Gudoomiye Cirro
 


Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland ayaa shaaca ka qaadey in ay ku guulaysteen soo afjaraidda khilaafkii ka dhex aloosmay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaa ciil Saylici.

Gudoomiye Cirro waxa uu sidaas ku sheegay mar uu manta la hadleyay Tvga HCTV, isaga oo ku sugan xafiiskiisa, waxana uu sheegay in uu khilaafkan loo saaray ergo ka kooban Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda C/raxmaan Cirro , Gudoomiye ku xigeenka Goloha Wakiiladda C/casiis Sama alle iyo Gudoomiyaha Xisbiga Taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, “Arrintaas Dh ex-Dhexaadinta Waxaanu Ku Galnay Aniga Oo Ah Guddoomiyaha Wakiillada, Guddoomiye Ku-Xigeenka Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Nin Kale Oo Masuul Ah.

Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenkaba waanu u mahad naqaynaa, markaanu wareysanay waxaa u isla garanay In wixii Jira La Soo Afjaro, Hawlaha Qaranku ay Socdaan. Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenkuba hawshaas way naga aqbaleen, shalay ayuu Madaxweyne Ku-Xigeenkuna Shaq adii Si caadi ah U Bilaabay, Waxaanu Ku Kalsoonahay In Hawshaasi Ay Soo Afjarantay, Haddii Baahi Kale Timaadana Diyaar Baanu U Nahay” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland C/raxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay waraysi la yeesheen labadda dhinac ee khilaafku ka dhaxeeyay “Markii Aanu Arrintaas Galnay Waxaanu Waraysiyo La Yeelanay Dhinacyadii Uu Khilaafku U Dhaxeeyey Oo Ahaa Madaxweynaha Somal iland Md Axmed Maxamed Siilaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, Arrintuna Waxa ay Ahayd Oo Kaliya Hawlaha Qaranka” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

C/raxmaan Cirro waxa uu si adag ugu nuuxnuuxsaday sidda ay hawshani u soo afjarantay w axana uu sheegay in tabashooyinkii la kala tirsanayay la soo dhameeyay, balse waxa uu cara bka ku dhuftay in ay jiraan wax uu ku tilmaamay xaalxaal.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka labadda masuul ayaa soo shaac baxay mudooyinkii u danbeey ay inkastuu dafiray isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay afhayeenka Madaxtooyad da C/laahi Maxamed Cukuse., in uu khilaaf siyaasadeed ka dhex qaraxay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, haddana wax jirra dhiliilooyin fara badan isla markaana ay kala tirs anayaan Siilaanyo Iyo Saylici, waxana wararku sheegayaan in khilaafkani ka dhashay dhanka maamulka iyo kharashaadka.
 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office