Gudoomiye ku xigeenka 1aad Ee Xisbiga Kulmiye Oo sheegay Inuu U tartami Doono Hogaanka Sare Ee Xisbiga.
 

 


Maxamed Kaahin ayaa sheegay in tartanka loogu jiro hogaanka xisbiga Kulmiye aanay ahayn mid ku kooban xubno yar balse uu ....


Hargeysa (TNN)- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Maxam ed Kaahin Axmed ayaa sheegay in uu hankiisa siyaasadeed gaadhsiisanyahay u tartamid hog aanka xisbiga Kulmiye oo ay oo baryahanba uu loolankiisu xisbiga ka dhex aloosanaa.

Maxamed Kaahin ayaa sheegay in tartanka loogu jiro hogaanka xisbiga Kulmiye aanay ahayn mid ku kooban xubno yar balse uu yahay mid aad u ballaadhan oo ay ku jiraan xubno iskugu jira xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin dadka doonaya in ay tartama an madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi , isaga (Maxame Kaahin) iyo wasiir Samaale waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Tartanka Kulmiye dhexdiisu waa uu ballaadhanyahay maaha mid ku kooban shakhsiyaad kooban oo kaliya waxaana ka mid ah dadka doonaya in ay tartanka gala an oo iskugu jira Xukuumadda Iyo Kulmiyeba aniga oo ah Maxamed Kaahin ,madaxweynaha , guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi, Wasiirka maaliyadda” .

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in ay guul u tahay xisbiga Kulmiye in ay dad badani tartamaan isaga oo ku tilmaamay in ay kaga duwanyihiin arrinkan xisbiyo badan oo dalka soo maray tan iyo xornimo qaadashadii Somalida oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwa ay hogaamiyayaal koobani iska haystaan ka dibna ay taasi u horseedo in ay burburaan, isaga o tusaale u soo qaatay xisbigii Bur-buray ee UDUB.

Waxa kale oo uu ka hadlay Maxamed Kaahin dib u dhac la sheegay in uu ku yimi waqtii la qaba nlahaa shirweynaha xisbiga Kulmiye kaasi oo uu ku tilmaamay mid laga yeelanayo talo qaran , oo u baahan in taladaasi lagu muddeeyo..

Maxamed kaahin waxa kale oo uu ka hadlay warar sheegayey in hogaanka xisbiga Kulmiye ay madaxweynaha u gudbiyeen cod ay doonayaan in xilka uu ka qaado wasiirka maaliyadda Cabd icasiis Maxamed Samaale madaama uu doonayo in uu tartan u galo hogaanka xisbiga Kulmiy e.waxaanu yidhi “ Arrinkaasi ma jiro anagu Samaale xilka u maanaan magacaabin ee madaxw eyne ayaa u dhiibay isagaana ka qaadi kara “ ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka 1aad Maxam ed Kaahin
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland