Guul Taariikhi ah ayey Somaliland Dhaxalsiisay Diwaangalinta ka Qabsoontay

 

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Aadamiga Somaliland Mr.Axmed Yuusuf Xuseen oo ka soo laabtay Gobolka Sool, ayaa sheegay

hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo shalay la soo gunaanaday ku dhammaatay si guul ah.

Mr.Axmed Yuusuf oo maanta u warramayay Xafiiska Jamhuuriya Burco., ayaa sheegay in diwaangalinta ka qabsoontay dalku tahay mid shacbiga Somaliland dhaxalsiisay guul taariikhi ah, “Maadaama diwaangalinta elekratooniga ahi tahay qaab casri ah oo aan laga filayn in Somaliland ku guulaysan karto, iyadoo aan haysan taageero hagar la’aan oo beesha caalamka, waayo waddamada Afrika oo dhan kama suurtogalin diiwaangalintani, saddex dal oo keliya ayeyna ka hirgashay diwaangalintan elektarooniga casriga ah.”

“Doorkayagu waxa weeye ilaalinta qodobka dastuuriga ah ee sheegaya in muwaadin kastaa xaq u leeyahay inuu isdiwaangaliyo oo waxna dooran karo, lana dooran karo iyo in la dhawro xuquuqda hawlwadeenada diwaangalinta oo aan lagu gefin laftooda xaquuqdooda,” ayuu yidhi Mr. Axmed Yuusuf.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dhibaatooyin badani soo baxayeen muddadii diwaangalintu socotay kuwaasoo ay ka mid ahyyeen agabka diiwaangalinta oo cillado ku imanayeen, goobaha diwaangalinta iyo dadweynha oo kala batay gobollada qaarkood iyo agaasinka guud ee hannaanka hawlaha diiwaangalinta oo debecsanaan weyni ka muuqatay, gaar ahaan Gobolka Sanaag.

Ugu dambayntii, waxa Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanku ku hambalyeeyay guud ahaan shacbiga Somaliland sida wanaagsan ee ay uga qaybqaateen hawsha diwaangalinta, gaar ahaan reer Sool oo uu sheegay in iyagu si wanaagsan ugu sii diyaargaroobeen diwaangalinta.


 

 

 


Togdheernews