Guurkii hore

 


Qormadeenii hore waxay inoo joogtay qaybtii aynu kusoo qaadanay haasawaha iyo

hanaankii uu lahaa,Sidoo kale waxa isna maanso aad u qiimo badan ku soo bandhigay mawduucan hasawaha Ismaaciil Jaamac Nuur Gadhyare isagoo ku hal qabsanaaya nin ay asxaab yihiin oo la yidhaahdo Gargaar iyo inan uu inoogu iftiminaayay ulana baxay geenyo,



Hadaba qormadeena maanta oo aynu ku faahfaahin doono guud ahaanba qaabkii uu ahaan jiray guurku iyo qaybihii aynu hore u carabawnay. iyadoo aynu ku horayn doona haasawaha iyo waxa ay kayidhaadeen ragii suugaan ruuga ahaa ee wakhtiyadaas noolaa iyo qaarkamda kuwa maanta noolba,



Hasawaha: kolka ay wada hasawayaan inanka iyo inanta waxa uu midba hareer iska taagi jiray geed, waxa lays dhaafsan jiray kaftan farabadan oo xigmadaysan sida halxidhaale, maahmaaho, sarbeeb iyo duur xul. Iyadoo ay sababtu tahay in mid waliba ogaado ka kale heeraabta aragiisu halka ay gaadhsiisantahay.

Aan tusaale u soo qaadano murti xiligaas wax ka tilmaamaysay hasawaha



Qaybtii hablaha maalintaad qori ka doonayso

Waa inay mid lagu qooqayiyo qamar ahataye

Qolqolkooda waa inaad habeen qun ugu meertaaye

Waa inaad masalo loo qafilay qabo tidhaahdaaye

Waa inay wixii qaabiluun qawl ka celisaaye.


(Jaamac gabyaaye)



Maansooyinka oo kaliya kuma koobna ee waxa jira hees ciyareedyo iyaguna la xidhiidha isla qodobkan aynu iminka ka sheekaynaynaybal aan tusaale u soo qaadano qaybo ka mida hees ciyareedyadaas

Hadday hoglo soo hilaacan

Hawd bari ku jiitaan

Anigoo hubsada mooyee

Human geela kuma raro

Haday hablo soo hagoogtaan

Haasawe doonaan

Anigoo hubsadoo mooyee

Hadalkayga uma furo,




hoobeeyooy

Gabdho iima doonan

Oo gogoshu iimasii taal

Inaan guura guureeyiyo

inan gudo xaq maw helay

shamiseey shalay galab

shilbay helay

wax shan shooyin dhaa dheer

daba shalaqsanbay helay

shaaruba libaaxa leh

ilkaha shani kamaqantahay



anoo seexdayoo laday

oo salaw caaneheed dhamay

yaa sacabkinu ii baxay




kaciyaaray cagawayn

kaciyaaray ceel dhaab

ka caraabay caynabo

caawana tanbaan dagay



nin ciyaaro tumi jiray caawana tan

joogaa ciil kaanbi waaynaa



Labada dhalinyarada ahi marak ay sidaas isu imtixaamaan ee ay is waydiiyaan hal xigmadeedkaas murtiyaysan waxa hadhoow yaraanaya is khalad fahanka iyo in uu gurigu si fudud u burburo.

Waxa mamnuuc ahayd wada fadhiisi ama wada taagnaan xiliga hasaawaha ama xodxodashada.



Heshiiska: marka ay labada dhalinyarada ahi heshiiso, waxa dhinaca inanka ka tagi jiray wax garad ka kooban cuqaal, culimo,dood yaqaano iyo hal door kaloo fara badan.

Waxay ardaa dhigi jireen reerka dhalay inanta iyagoo isku beegaya guriga inta ka horaysa cawaweerta si loogu diyaar garoobo dhanka ardaaga, dhanka sooryadda iyo dhanka ciddii hor fadhiisan lahayd.

Haddaba aynu tusaale usoo qaadano murti waxa inooga iftiiminaysa arrinta aan kor ku xusnay.

Qudhiinii heshiisaye koolkaad qaali soo noqoto

Waa inaad qabiilkay ahayd qolo u gaysaa


(Jaamac gabyaaye)

Xagayaga ninbaa gabadh lahoo laga damcaa guure

Inta oo guyaal loo dhaxaa yarad la geeyaaye



Soddaga iyo ka kuu seediga ah iyo sawjadiyo reerka

Dhulka sahan ku celi waxaynu nahay niman socdaal dheere



Ardaa dhigga:

Waxa fooda is dari jiray rug caddaa laysaga sheekayn jiray ama is yaqaanay, waxa halkaas ka dhici jiray kaftan bilaa turxaan ah oo cafimaad qaba iyadoo laysu soo qaadanayo taariikho iyo taswiiro aad u fog sidii uu ahaa dhaqankeeni suubana waxa lagu yaqaanay ragga doonaya inanta inay bixiyaan ama ay goobta ku magacaabaan hanti isugu jirtaa geel, gammaan iyo saanad kaleba (Bundukh) lana guddoonsiin jiray reerka ay inantu ka dhalatay. Intaa ka dib waxa halkaas inanta lagu bixiyay ama dunta lagu xidhay ka dhici jiray damashaad iyo rasaas kor loo rido

Bal aan dhawr meeris oo ka hadlaya isla mawduucan aan soo qaadno

Waa inay ergada kuu quntaa qurux samaataaye

Qalab aada iyo waa inay lacagna qaadaane

Iyadoo qabuul iyo ijaab la isla soo qaatay

Waa inaad adduun qiimaliyo qaalmo bixisaaye

Waa inuu qudbado sheikh bartiyo qaadi mehershaaye

(Jaamac gabyaaye)



Arooska: inta aynu kor ku soo xusnay marka ay dhacaan ka dib waxa laga gangaami jirnay gagi bannaan aqal laba daryaale ah kaasoo bilicdiisu ka muuqanayso meel dheer, xusuusna ku reeba dadka deeganka ku nool, habeenka koobaad ee arooska oo loo yaqaanay bil ama habeenka bisha waxa lagu taagi jiray ama dhuunta lagu dhufan jiray gool labo iyo toban jir ah oo aan waligii karbaash la saarin xadhigna loogu duubin. Haddaba marka ay dhalintu daraxa dhigto sooryada ayay qabsan jireen ciyaaro kala duwan sida jaandheer, jiflo, iyo kuwo kale lagana dheehan karo duco iyo dardaaran dhinac walba taabanaaya

Aynu dhawr bayd ka soo qaadno suugaan iftiiminaysa mawduuca aan kor ku xusnay

Waa inay qotomiyaan aroos qaylidii dumare

Waa inay mariin labada qaar kaga qabsiiyaan

Qarfo meel ah waa inay shalaad culimo qaadaye

Jaamac gabyaaye

Aroos giigsan gool lagu qaliyo gabadh la soo hooyay

Gadh cadaaga maahmaahayiyo guurti lagu faano

Dhalintoo habeenkii galaba garangar boodhaysa

Oo godon bax waayuhuna yahay laysla wada gaatay

Ayaa lagu gartaa meel nabdoon gacalkayoow heedhe

(Axmed cabdi xirsi) abwaanada hadda

Hadayu u leexano hees ciyaareedka isugu jira hoyga hanbalyada iyo arooska ku aadan ee guud ahaan iyo gobolada qaarba lagu gurdan iyo gaada ka ciyaarijiray

Waxaa iyana ka mid ah hees ciyaareedkan dhex martay hurre iyo canbaro waxaana uu gabadha la guursaday kula talinayaa in ay reerkeeda dhaqato waxaana uu odhanayaa



Aqalka daarta laga dhigaye

Lagu xidhay daroofyadiyo

Dadabtan wada qardhaastaa iyo

Baralaydan lagu daahay iyo

Waan arkaa darfoolay

Hoostaada lagu daadshee



Dadkiinii muxuu maal iyo

Dufan iyo adduun helay

Mise doogsin kaligaayaabad

Ku dabaalanaysaa



Haddaba yaan dadku is odhan

Damac baa idiin keenee

Misna waxaan ku sii daray

waxaad darajo raganimiyo

Dun iyo dhaqasho leedahay

Hoos uguma daadagin



Dushase laan gobaad tahay

Dayax soo baxaad tahay

Cosobaan diq laga dhigin iyo

Doog qunu baxaad tahay

Geenyo aan la diifaynoo

Dalsan lagu dhaqaad tahay

Anna inan dadkiina ahoo

Dusha bahala jira ka ahoo

Doonyo kuu ahbaan ahaye

Saddex haloo dantaada ahoo

Duug kuu le iga maqal



Dacwadda hore waxay tahay

Ninka dadabta baalida galay

Wuu duloobaaye

Shayga dabada kaa tagayiyo

Maryahaaga daahiri



Dacwadda labaad waxay tahay

Dugsi weeye xooluhu

Kii lahaana daran deerye

Duunyadu yaanay ka lumine

Dul iyo hoosba u ogoow



Dacwadaa kale waxay tahay

Niman daalina jiroo

Danbi iyo dhag xuma iyo

Dux waxaan ku galinayn

Kugu dayayabaa badane

Doc kasta iska ogoow





hoobaalayeey heedhehy

hobaalayeey heedheh

hoobaalayda waxay moodayaan

hadal caruureede

waa hadal dadkuba leeyahoo

lagu hadaaqaaye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



Anigo halyaygii abtigay

Halo lamaalaaya

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



Anigoo nirgaha baarqabkiyo

Bogo xaraynaya

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



Ayuunbaa war duulaya oo

Diiranbay yimiye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



Ma ogtahay bidhaan qaruxsanbaa

Baashe guursadaye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh




waxayna gaar ahaan haweenku ku heesi jireen mararkale oo arinkan ka baxsan xasusina mudan heeso waayo aragnimo sarbeeb amaba duuyurxul iyo xeeldheeridooda lahaa waxaana ka mid ahaa



Naa baarqab waa seedoo

Seed sagaal jiraan irmaanaaneey

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



Koronkor cunimaynoo kariba maynee

Karuur geel mahaysaaneey





Waxaa kaloo Heestahaa arooska sii bili jiray habka lagu bilaabayo iyo sida sacabka jaanta iyo jiibtaba laysula eeganayo taas oo soo jiidashadeeda lahayd aynu ku noqone e heesahaas waxaa kaloo ka mid ahaa



Hoobaalayeey heedheh

hoobaalayeey heedheh

hoobaalayda waxay moodayaan

hadal caruureede

waa hadal dadkuba leeyahoo

lagu hadaaqaaye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



geel iyo gamaan faras

ayaan kugu galbinayaaye

farxad aan gaboobayayn

ayaan kugu galbinayaaye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



kabihii mabaadhine

cagtaan boodhka soo daraye

waxaan soobayiigaba

hadaan baydka soo galaye



imikaan bayaan kuu arkaye

boqor maxaad sheegtay

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



adiguna basraay kama dhacdide

bilan maxaad sheegtay

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



adna inanka inanka noo caawiyoow

cali maxaad sheegtay

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



adna inanta inata noo cawisaay

canab maxaad sheegtay

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



lagu mood shamsada soo axdiyo

shaaca waa bariye hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



lagu mood midhii hawd kabaxay

halalac saarayde

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



lagu mood magaaladii burcoo

daadku marayaaye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



lagu mood bidhaan soo baxdiyo

beeraheediiye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



lagu mood sidii geel

hor waynoo fadhaiya

harada guudkeeda



hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



hilqo oo istaag caawa waan ku

hubsanaynaaye

hagoogta iska qaaad yaan la odhan

hoogto weeyaane

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



waa inaad halyaygii kudhlay

halo udaysaaye

waa inaad dhag dheer lama noqdee

dhago nuglataaye

hoobaalayeey heedheh

hobaalayeey heedheh



waa inaad markuu kula hadla ba

hee tidhahdaaye




Todoba bax: arooska ka dib inanka aroosrtay waxa loo guri jiray xoolo loo yaqanay kaalo iyadoo la tusaayo inuu qaaday masuuliyad aad u wayn ayaa waxa reerkiisa muddo loogu saari jiray gooni si loo tuso waxa ay tahay masuuliyad iyo inuu dhaafay xiligii laacdanka dhalinyara nimadda



Halkaas hayoo fadhiyo waa halkii araweelo e hadii eebe idmo waxaynu kaloo soo qaadan doonaa haasawaha maanta oo taah iyo tawaawac noqday,

 

 

 

 

Qalinkii,Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle
ubaxle@yahoo.com