Guurtida oo bulshada reer Somaliland ugu baaqday in ay is diwaangaliyaan, si ay u qaataan waraaqaha jinsiyada

 

Kaadhka jinsiyadda oo ah sugidda muwaadimadu waxa uu yahay fursad waqtigan taagan oo lagu helayo maanta lacag la’aan ” Bayaanka Guurtida

Golaha Guurtida Somaliland ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay si buuxda uga qayb-qaataan Hawlaha isbarkan ee diwaangalinta codbixiyayaasha iyo qaadashada waraaqaha aqoonsiga ee lagu sugayo muwaadinimada dadka reer Somaliland.

Sidaana waxay guurtidu ku sheegtay shir-jaraaid oo ay gudoomiye-ku-xigeenka Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, gudoomiyaha gudida joogtada ah ee guurtida Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) iyo mudanayaal kale oo ka tirsan guurtidu ku shalay ku qabteen xarunta golaha.

Xoghayaha guud ee golaha guurida ayaa halkaa ka akhriyey bayaan qoraal ah oo ay kaga hadlayaan diwaanfalinta iyo muhiimada ay qaranka Somaliland ugu fadhido, bayaankaas oo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan; “Sida aynu la wada socono amaba aynu ka warqabnaba dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo maray maraxalado kala duwan oo bar-tilmaameed ku ahaa xaqiijinta iyo meel-marinta himiladda iyo doonista shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maraxilkii nabaddaynta, unkidii qarannimada Somaliland, la-soo-noqoshadii madaxbannaanida, shirweynayaashii nabadeynta iyo dib-u-heshiisiintii shirweynaha beelaha reer Somaliland ee lagu dhisayey xukuumadihii kala dambeeyey, aftidii dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, doorashooyinkii Dawladaha Hoose, madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Maraxaailkaas kala duwana waxay lahaayeen waayohooga iyo aragtiyahooga kala duwan, mar walibana waxay jiray kooxo iyo ashkaas ka soo horjeeda meel-marinta rabitaanka iyo doonista shacbiga, kuwaas oo aan maslaxada guud dani ugu jirin, dadweynahana u sheegayey macuuumaad ka fog xaqaa’iq iyo danta dalka iyo dadweynaha, waxase mar waliba ka gacan sarreynayey dadweynaha u heegaanka ah maslaxadooda oo is kaashanayey yar iyo weynba.

Walaalayaal, maanta waxan gudagelaynaa oo dalka ka bilaabmaya haddii alla yidhaa maalinta Salaasada ee ay bishu tahay 14/10/2008 marxalad cusub oo ah is diiwaangelin, taas oo looga dan leeyahay in muwaadininta lagu siiyo laba aqooni oo kala ah kaadhka cod bixinta ee muwaadiniinta ku dhiibanayaan codadkooda doorashooyinka ee innaguu soo fool leh haddii Alla yidhaa iyo kaadhka muwaadinimo ee jinsiyadda.

Kaadhka jinsiyadda oo ah sugidda muwaadimadu waxa uu yahay fursad waqtigan taagan oo lagu helayo maanta lacag la’aan. Dhinaca kale, kaadhka codaynta qofkii qaataa ayuunbaa labaddani doorasho ee soo socda codkiisa dhiiban kara.

Waa hubaal in cadow gudo iyo dibedba uu arrintan ka soo horjeedo, cadowga dibeddu wuxuu adeegsanayaa kan gudaha, kuwas oo been-abuur iyo ujeeddooyin ay ku xagal-daacinayaan barnaamijkan ku hawlan qawl iyo ficilba. Waa jiraan kooxo horreba uga soo horjeeday aftidii dastuurka, doorashooyinka inoo qabsoomay, sidoo kalena tani maantana ka soo horjeeda, ujeeddooyinkooduna ay yihiin wax ka duwan danaha, maslaxadda, goonni-isu-taagga iyo madaxbannaanida shacbiga reer Somaliland, waxayna leeyihiin ajande qarsoon iyo istaraatajiyooyin ka soo horjeeda danaha dalka, taabo-gelka iyo horumarka mujtamacani, isla markaana waxay u adeegsayaan xooggag shisheeye.

Ugu dambeyntii, innaa oo rajaynayna in Illaahay innagu gacan siin doono barnaamijkan sidii uu awalba kuwii ka horreeyey innooga suurtagaliyey haddii Alla yidhaa, waxaynu sugnaba waa innagoo yar iyo weynba u dareerna, meelna uga soo wada jeedsana suurtagalinta barnaamijkan. Madax-dhaqameedyada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, waxgaradka ummadda qaybahooda kala duwan, waxa looga fadhiyaa inay hubiyaan oo ay ka hawlgalaan sidii qof kasta oo qaan-gaadh ahi u tagi lahaa goobaha diiwaangelinta, iskuna diiwaangelin lahaa.

Sida oo kale, Komishanka iyo hawlwadeennadooda ku hawlan meel-marinta barnaamijkan, waxa lagu sugayaa farsamo kasta oo dadweynuhu ay ku heli karayaan is diiwaangelinta, dhinaca inkaaniyaadka iyo waqtigaba, iyaga oo ka taxadiraya in hawshu socod la’aan iyo degdegsiimo la’aan buuq uga dhasho goobaha is diiwaangelinta.

Gebogebadii, waxan inoo rajaynaynaa dhammaanteenba guul iyo horumar haddii Alla yidhaa iyo innaga oo Illaahay ina gaadhsiiyo himiladeena iyo rabitaankeena.”






Jamhuuriya Online